Home » Nolosha Jilaayaasha » Karan Johar Oo Baraha Bulshada Soo Dhigay Post Qosol Badan Parinteeti, Sonam Iyo Jilayaal Kale Qosolka Ayaa Ka Dhamaaday!

Karan Johar Oo Baraha Bulshada Soo Dhigay Post Qosol Badan Parinteeti, Sonam Iyo Jilayaal Kale Qosolka Ayaa Ka Dhamaaday!

Filmsameye Karan Johar waa shaqsi inaba aan caadi ahen mana lagu gaaro dhanka shactirada iyo inuu dadka madadaaliyo.

Waxuu kusugnaa mudadii udambeysay dalxiis uu isaga tagay magaalada London halkaaso uu jawi wacan kusoo qaadanaayey ayadoo qaar kamdi ah jilayaahsa Bollywoodka ay halkaas joogeen.

Hadaba Karan aaya qaatay Twitter-ka waxuuna kusoo qoray hadal dad badan ka qosliya oo xitaa qaarkod Comments ka baxsadeen sida Parineeti Chopra, Illeana D’Cruz, Karan Wahi, Sonam Kapoor, Rajkumar Rao iyo kuwa kale ayaa qosolka ka dhamaaday.

Waxuu yiri,”Waxaan aaday dhul qurux badan (London)si aan usoo wareego  jaakar cusub ayaan xirtay, timahiina waan hagaajiyay oo aan qurxiyay ookiyaal kaalay arag ah oo qurux badan ayaan soo qaatay iyo waliba boorso qurux badan balse maxaa dhacay hee wax xun ayaa dhacay maadama kuwi xumaa ee sawir qaadayaasha ahaa meesha aysan imaanin.”

Karan Johar waxuu filaayey in sawiro laga qaadan doono kuwa sawir qaadayasha oo meel walba buuxan waxuuna islahaa Style-ka waa soo saxday maanta sawiro badan ayaa lagaa qaadan balse nasiib xumo sawir qaadayaal sawir ka qaado ayuu waayey markuu laamiyasha London yimid (kkkkkk).

Parineeti Chopra, Sonam Kapoor iyo dad badan ayaa Commnets kasoo dhiibten ayagoo ku qoslaya oraahda Karan halka kuwa qaarna ayba leeyihiin “waan ka xunahay” (kkkk) Karan Johar waxaa loo qiray madadaaliye dhab ah.