Home » Nolosha Jilaayaasha » Karan Johar Oo Markale Mowduucii Is Qaraabeysiga Ka Hadlay Kangana Ayuu Daan Daansanaya!!

Karan Johar Oo Markale Mowduucii Is Qaraabeysiga Ka Hadlay Kangana Ayuu Daan Daansanaya!!

Karan Johar oo ah Film sameye shactiro badan ayaa sanadii hore qodob hadal heyn abuuray lagu tuuray kaaso ah in uu dadka xigtadiisa Bollywoodka keeno waxaana sida ku eedeysa atirishada Kangana Ranaut oo dhuunta u gashay xidigaan.

Hadaba Karan in badan ayuu horey oga jawaabay arinkaan soo noq noqotaya balse saxaafada kama daalan inee marwalba weydiyaan waxayna markaan ku weydiyeen ayadoo lasoo bandhigayo goos gooska filmkiisa Dhadak ee uu qarash gareeyaha ka yahay.

Maadama Jahni ay kasoo jeedo qoys magac weyn kuleh fanka hindiya Karan waxaa goobta lagu weydiyay is qaraabeysiga waxuuna yiri,”war dad yahow is qaraabeysi wax la dhahaayo ma jiraan dadka Bollywoodka katirsaan waqtigaan is qaraabeysi kuma joogaan ee kartidood iyo howl karnimadooda ayee ku yimaaden.”

“Imisa ayaa qoys Bollywood magac kuleh kasoo jeedan hadana aan awood u laheen inee Bollywoodka kamid noqdaan ayadoo laga karti badanyahay meeshan waxaa yimaada qof kartidiisa laga helay kadib marka uu yimaado nasiibkiisa ayee ku xirantahay hadii daawadayaasha ka helaan sidaasna xidig ku noqdo.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *