Filimsameye Karan Johar ayaa si rasmi ah u qirtay inuu masuul ka yahay geerida Sushant Singh Rajput iyo is dilkiisa maalmahan dhana waxaa socdeen arin sheegeysa in Karan qeyb ka ahaa arinkaan hadaba xogta aan soo helnay oo faah faahsan hoos kaga bogo:

Sida xog laga soo xigtay Hindustani Times ay sheegeyso Karan Johar iyo Sushant Singh Rajput markii ugu horeysay ay kulmaan waxay ahed bilawgii 2013 xiligaasna Sushant ayaa soo galaayey Bollywoodka filimkiisa ugu horeeyay ee Kai Po Che ayaa tiyaatarada loo saari rabay hadaba Karan markuu arkay fur furnaanta Sushant horeyna Tv-yada ayuu oga daawan jiray maadama atoore musalsal-da sameeyo uu ahaa waxuu Johar go’aansaday inuu Sushant shaqo ka siiyo Dharma Productions lambarkiisa gaarka ah ayuu siiyay waxuuna dhahay marka filimkaada howshiisa dhamaato oo tiyaatarada laguu saaro ila soo xiriir.

Sushant waqtigii balanta ayuu wacay ama la xiriiray Filimsameye Karan Johar balse Karan kama qabanin Taleefanka marwalba uu wacana kama uusan qaban jirin waayo Karan go’aankiisa ayuu bedelay markuu arkay habka fagta hore Sushant loo soo dhaweeyay iyo filimkiisa kowaad daawadayaasha waxay ka dhaheen.

Sushant marnaba kama quusanin inuu waco Karan halka Karan asna uusan ka quusanin inuu Mobile-ka ku dhageysto Sushant mudo kadib maalinkii dambe gacanyaraha ama xoghaya Karan ayaa ka qabtay runta usheegay Sushant waxaa la dhahay Sushant”dhageyso Karan waxuu Filim u maalgaliya kaliya atoorayaasha waaweyn ee A-grade-ka ah ama maqaam xidignimo gaareyn iyo caruurta ay dhaleen xidigo caan ah oo uu soo saaro, shaqsi kale masoo saaro filimna kuma aamino ee iska daneyso.”

Sushant hadalkaas qalbi-jab weyn ayuu ka qaaday waayo Karan dartiis waxuu ku waayey filim weyn oo Sanjay Leela Bhansali iskalahaa waana mashruuca Ram-Leela oo uu dhinac ka jili rabay jaceyl uu uqabay shirkada Dharma iyo hadalka Karan ee isoo wac ayuu aad ula farxay Bhansali iyo filimkiisana wuu iska diiday maxuu ka faaiday he in hadalkaas niyad jabka la dhaho.

Karan oo qirtay khaladkiisa:

Filimsameye Karan Johar ayaa baraha bulshada qoraal uu kaga tacsiyoonaayo geerida Sushant soo dhigay waxuuna si rasmi ah dusha isaga saaray masuuliyada is-dilka Sushant waxuu yiri isagoo hadlaayo.

“Waxaan nafteyda ku eedeynayaa inaan kula xiriirin sanadihii dambe (markaad isoo wici jirtay) waan kaxumahay inaan kaa mashquulo waxay ahed inaan kula xiriiro dhibkaadana kula qeybsado khaladkaas wuu dhacay laakiin nolosheyda inta kadhiman waan iska ilaalin doonaa inaan markale sameeyo.”

Karan hadalka waxuu udhigay qaab xirfadeysan oo waxuu iska dhigay nin ka hadlaayo cidlada Sushant iyo wehel la’aanta iyo inuu xiriirin waayey xaalkiisana ogaan waayey balse dadka wey fahmeen inuu ka hadlaayo khaladkiisa hore ee 2013 iyo markuu Sushant balanta oga baxay.

Lasoco qeybaha dambe Salman, Ekta, Sonam, Alia, Bhansali iyo mid walba waxa lagu heysto.

1 COMMENT

  1. Wax macquula maaha in qof isdilay qof kale eeda isa saaro karan gacan yariihisa haduu sidaa ugu jawaabi lahaa sushan singh rajput karan johar mar horu eryi laha gacan yariihisa mida kale shakadan is qarabaysiga karan johar mar horu qiran lahaa lkn hadalka uu baraha bulshada ku soo qoray waa run anba waan arkay kkkkkkjj lkn inta saxaafadu qortay waan diiday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here