Filim sameeyaha caanka ah Karan Johar ayaa 3-sano kadib gursiga agaasinka filimada kusoo laabanayo wuxuuna Director ka yahay filimka weyn ee fariinta boqortooyo xambaarsan laguna magacaabo Takht qorshahana wuxuu yahay in filimkan la daawan doono 2021 gudihiisa.

Haddaba Karan Johar wuxuu shaaca ka qaaday in filimkiisa Takht duubistiisa qaadan doono 170-maalmood waxayna duubistiisa bilaaban doontaa dhamaadka bisha Febraayo 2020 weliba jadwalka duubista wuxuu noqon doonaa mid halmar la bilaabi doono toosna loo dhameestiri doono wax hakad ah lama galin doono shaqadiisa.

Takht waxaa wada jilayaan Ranveer Singh, Kareena Kapoor Khan, Alia Bhatt, Vicky Kaushal, Bhumi Pednekar, Anil Kapoor iyo Jhanvi Kapoor waana filim dabcan siweyn loogu xifaaltami doono madaama uu ka hadlaayo xiligii boqortooyada Mugaal Hindiya ka talin jirtay.

Filimkan ayaa ku saabsan dagaalkii dhex maray labadii walaalahaa ee dagaalyahadana ahaayeen Aurangzeb and Dara Shikoh waxaana kala matalayaan Ranveer iyo Vicky Kaushal halka Kareena ku mataleyso walaashood halka Anil Kapoor uu ku jilaayo boqor Shah Jahan oo aabo u ah labada wiil saldanada isku heestaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here