Karan Johar Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Ka Dambeysa In Shah Rukh Khan Shaashadaha Laga Waayo Wax Filim Ahna Uusan U Saxiixan !!

0
525

Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan sanadahan dambe musiibo ayaa ka qabsatay dhanka Box-office-ka aflaantiisa u dambeyeen guuldarooyin ayee la kulmayeen.

Khan hader lama jooga xiligii uu boqorka box-office-ka ahaa awooda Bollywoodkana gacantiisa kujirtay waxaa la joogaa xili Salman Khan meesha iska heesto si awood kudheehan taageerayaasha SRK marwalba waxay rajeyaan in atoorahooda shaashada kusoo noqdo.

Wax filim ah oo si rasmi loo shaaciyay majiraan oo King Khan sameeyn doono balse saaxiibkiis ahna Filimsameye Karan Johar ayaa shaaciyay sababta ka dambeysa SRK in hawada laga waayo.

Waxuu yiri isagoo hadlaago Karan xili uu saxaafada la falgalaayey,”Shah Rukh Khan waa Superstar maqaamkiisa aan qofna gaari karin Megastar-na usii dalacay hadii dhowr filim si isdaba joog ah kaga guul dareesteen taasi kama dhigna in calankiisa dhacay.”

“Mudo sanad ah ayuu ka nasanayaa shaqada filim jilista maskaxdiisana Fresh oga soo dhigi doonaa si hadhow dooqa aflaamta wanaagsan si sahlan uu ugu xushto balse nasiino hal sano ah ayuu ku maqan yahay.”

“Qof walba oo shirkadaan katirsan ayaa yaabi doono marka uu soo noqdo King Khan iyo saameeynta uu la imaan doono waadna arki doontaan awoodiisa siduu usoo ceshan doono.”

Jab Harry Met Sejal oo la daawaday 2017 ayaa ka guul dareestay xidigaa hadana Zero 2018 oa daawaday ayaa ugu xigay dadka qaar ayaaba isdhaheen waayihii SRK waa dhamaad balse Khan ayaa qorsho cusub ku maqan sida Karan sheegay wuuna soo laaban doona waliba soo laabasho cajiib ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here