Home » Wararka Maanta » Karan Johar oo shaaca ka qaaday xiliga Tiger Shroff ka hawl gali doono Student of The Year 2

Karan Johar oo shaaca ka qaaday xiliga Tiger Shroff ka hawl gali doono Student of The Year 2

Tiger Shroff haatan wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimka Baaghi 2 oo ay la jileyso gabadha lagu xanto Disha Patani waxaana la daawan doonaa 29 April 2018.

Hadaba filim sameeye Karan Johar ayaa ka hadlay xiliga rasmiga ah ee Tiger duubis ku bilaabi doono filimka Student of The Year 2.

Karan oo la hadlaayay Mumbai Mirror wuxuu yiri “Bilawga sanadka cusub ayaan Student of The Year 2 duubis ku bilaabi doonaa”

Tiger sidoo kale atirishada la jileyso filimka SOTY 2 atirishada la jileyso ayaa dood ka taagan waxaana la isla dhex maraa ruug cadaa Chunky Pandey gabadhiisa Ananya Pandey la sameeneyso balse weli Karan Johar ma uusan xaqiijinin arinkaan.

Tiger aflaan wacan ayaa u diyaarsan oo ay ka mid yihiin Rambo Remake iyo filimka Hrithik Roshan isla jilayaan sidaa darteed xidigaan afar filim oo heer sare ah ayaa u diyaarsan kuwaas oo mustaqbalkiisa fanka Hindiya sii ifin karaan.

3 Responses to Karan Johar oo shaaca ka qaaday xiliga Tiger Shroff ka hawl gali doono Student of The Year 2

  1. Mohamad

    November 17, 2017 at 11:33 am

    Zxp Zakariye Adoo Rali ah Shalay Wxd Soo dhigteen in arung besu uu Kaboolay Stay Shilpa Shetty Marka Zxp Mcnaha Boolaysi Ifahansii Maxana Kadhexeya Labadoda

    • Zakarie Abdi

      November 17, 2017 at 12:08 pm

      Waxaa laga wadaa qaraaxeysi ama micnaha qof si kaftan ah wax looga hoos bixiyo.

  2. Mohamad

    November 17, 2017 at 12:40 pm

    Haye Zxp Aad bad Umahadsantahay adi Wxd Tahay Qofka Kaliya Ee an Wax weydiyo hadana Iso jawaba Thanks Zxp