Waxaa maalmahan si weyn loo faafiyay xan sheegeysa in Karan Johar qeyb seddexaad ka sameynaayo Filimkiisa Studen of The Year waxuuna hogaamiye kaga dhigaa ayaa ladhahau wiilka Model-ka iyo barnaamijka Big Boss ku caan baxay Asim Riaz iyo Suhana Khan.

Shah Rukh Khan gabadhiisa Suhana Khan ayaa Filimkaan kula soo caan baxeyso Asim Riaz ayaa la sheegay balse Director Karan Johar wax kama jiraan ayuu ku tilmaamay sheekadan mar uu Twitter-kiisa ka hadlaayey waxuuna yiri.

“Gabi ahaanba waa wax kama jiraan inaa sameynaayo SOTY3 (Student of The Year 3) waxaan idinka codsana xantan aad faafineysaan inaad halkaas kujoogtaan fadlan”

Karan ayaa dadkii xantaas faafiyeen sidaa usoo qoray aan sugno Suhana Khan xilige soo caga dhigato Bollywoodka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here