Filim sameeyaha iyo soo saaraha Bollywood-ka awooda ku leh Karan Johar ee madaxda u ah shirkada Dharma Productions hal dhib ayuu qabaa oo ah inuu war badan yahay inta badana waxyaabo aan loo baahneyn warbaahinta la wadaago ama baraha bulshada uu soo dhigo markaana arin sir u ahayd lamaanaha caanka ah Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt ayuu banaanka soo dhigay.

Karan Johar waa masuulkii soo caan bixiyay Alia Bhatt una dhiibay filimkeedii kowaad Student Of The Year (2012) kadibna aflaan badan oo caan ah u maal galiyay sidaa darteed xili uu Karan bartiisa Instagram-ka si toos ah taageerayaashiisa ula fal galaayay ayaa wax la weydiiyay wax aqbaar ah inuu Alia Bhatt ka haayo.

Karan Johar warbadnidiisa awgeed wuxuu ku jawaabay “Alia waan jeclahay, waa gabadheyda (hooyo kale dhashay). Aadban u faraxsan tahay xiliga bandowga lagu jiro. Waxaana ogahay in Ranbir uu timaha ka jaray!”

Hadalka Karan Johar wuxuu xaqiijiyay in Alia Bhatt haatan la nooshahay Ranbir Kapoor sababtoo dhawaan Alia waxay baraha bulshada soo dhigtay sawir ay waxyar timaha gaabsatay. Marka Karana wuuba xaqiijiyay qofka timaha Alia u habeeyay inuu Ranbir yahay lamaanahana xiliga bandowga lagu jiro waqti wacan isla qaadanayaan.

Alia Bhatt waxaan ogeyn markii bishii hore dhamaadkeedii Ranbir aabihiis Rishi Kapoor geeriyooday si ay jaceylkeeda Ranbir iyo hooyadiis Neetu Singh u garab istaagtay ayadoo xiligaas warbaahinta Hindiya u fahmeen inay ahayd fariin Alia direesay oo ku aadan qoyska reer Kapoor inay nolol ahaan ku biirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here