Kabhi Khushi Kabhie Gham waa mid kamid ah Filimada ugu caansan uu sameeyay Filimsameye Karan Johar waa mashruuc heesihiisa iyo oraahdiisaba dadka dusha ka xifdiyeen waxaana wada jileen Amitabh Bachchan, Jaya Bachchan, Shah Rukh Khan, Hrithik Roshan, Kareena Kapoor iyo kuwa kale oo badan.

Doorarka ugu caansanaa mashruucaas daawadayaasha ka heleen waxaa kamid ah doorka Poo Aka Pooja ee Kareena Kapoor jishay oraah ahaan wali waa la ammaanaa dhowaan Johar oo ka qeyb galaayey xaflad ayaa ka hadlay filimkaan waxuuna ku tilmaamay inuu yahay dhirbaaxo wajigiisa kudhacday.

Waxuu yiri isagoo hadlaayo,”waxaan u maleynaayey Filimka ugu wanaagsan Bollywoodka inaa sameeyay kadib Mughal-E-Azam iyo Lagaan balse KG3 waxuu igu noqday dhirbaaxo daanka iiga dhacdo waliba midii iigu weyneyd.”

“Filimkaan waxaanka sameeyay seddex filim iyo fikirkeyga yar oo aan isku geeyay seddexdaas filim oo kala ah Kuch Kuch Hota Hai, Kabhi Kabhi iyo Hum Aapke Hain Koun balse waxaan ka faaiday dhirbaaxo lama ilaawaan ah.”

Karan Johar: Kabhi Khushi Kabhie Gham is the single biggest slap in my face and my biggest reality check

Mashruucan waxaa lagu dhaliilay qaabka uu ku dhamaaday iyo in waalidka ay raalo geliyaan caruurtooda oo waxaad arkee Amitabh Bachchan oo raali gelinaayo Shah Rukh Khan waliba si xad kabaxsan heer uu jilbaha qabsanaayo SRK waana wax laga badbadiyay dad badan oo Aamir Khan kamid ahaana si weyn u dhalileen.

Dhanka kale Johar waxuu wareysiga ku sheegay inuu isaga diyaariyay labiska iyo oraahda guud Kareena Kapoor Filimkaan adeegsatay ileen xiligaas saaxibtinimadooda ayaa cusbed iyo wada shaqeyntooda si weyn ayuuna doorkeeda oga fikiray xidigtaan fanka ku cusbed xiligaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here