Filimsameye Karan Johar ayaa 2 todobaad kahor ka qeyb galay daahfurka buuga Sridevi nolosheeda laga qoray misane loo bixiyay magaca Sridevi:The External Screen Goodess” waxuuna halkaas ka jeediyay hadal kooban uu xidigtaan ku ammaanaayey.

Waxuu yiri,”macquul ma ahan fanka inee soo gasho gabar Sridevi noqon karta ama ka maqaam sareen karto, dhab ahaantii waxay ahed atiriisho dhameestiran, heybad, qurux qaab jiliin, awood dhanwalba wey ku sareysay.”

“Waan hubaa 100 sano hada kadibna in la heli doonin iyadoo kale waa atiriisho ka awood badnaan jirtay atoorayaasha waxay kaloo kufiicned luuqadaha gudaha India si iskumid ah sida Tamil, Telugu, Hindi waana arin naadir ah.”

Sridevi waxay kamid ah tahay 4 atiriisho ee maqaamka Superstar nimo gaareen waliba waa atiriishadii ugu horeysay magaca Superstar lagu lifaaqo marka xidigtaan maqaamka ay gaartay ma ahan mid la xaqiri karo marnaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here