Filimsameye Karan Johar aad ayuu u neceb yahay inee isku dhacaan isaga iyo Kareena Kapoor sababto ah waa mid kamid ah saaxiibadiisa qaaska ah ee Bollywoodka uu ku leeyahay sanadkii 2003 ayee mar isku fahmi waayen mushaarka Filimka Kal Ho Na Ho.

Xiligaas Kareena ayaa ahed gabadha ugu mushaarka badan Bollywoodka Filimsameye walbana doon doonaayey Karan oo ay saaxiib dhow ahaayen Bebo ayaa ka codsaday inee u sameyso filimka Kal Ho Na Ho balse mushaar xadidan ayuu u qorsheeyay midaasna Bebo wey ka diiday ganacisga iyo saaxiibtinimada kala saar ayaa la yiri Johar halkaas ayeena ku kala tageen waxaana booskeeda gashay oo mushaarkaas qaadatay Preity Zinta.

Hadaba xalay oo ay xaflad kuwada kulmeen Karan Johar, Alia Bhatt iyo Kareena Kapoor waxaa goobta looga hadlay arimo badan sida noloshooda gaarka ah iyo shaqadooda Bollywoodka sido kale Deepika, Aishwarya Janhvi iyo kuwa kale goobta wey joogeen.

Kareena ayaa la weydiiyay suaal xasaasi ah ileen saxaafada goobta wey joogtay waxayna ahed suaasha sida tan,”isku mushaar miyaad ku qaadaneysan adiga iyo Akshay Kumar sameeynta Filimka Good News.”

Bebo waxay suaashi u leexisay dhankaa iyo Karan Johar waxayna tiri isaga ayaa filimka leh oo qarash gareynaayo isaga lee haka jawaabo balse Karan wuu naxay markii Suaasha isaga lagu soo leexiyay waxuuna saxaafada ku yiri,”suaasha aniga la ima weydiinin Kareena ayaa la weydiiyay aniga kuma jiro baxarkaas.”

Halmar ayaa lawada qoslay Filimsameyahan xalay goobta wuu ka shactireeyay saxaafada oo jawaab doon ah ayaa markale Karan udhexgalisay isla suaashi xili suaalo kusaabsan Takht la weydiinaayey markaana si toos ah ayuu kaga jawaabay.

Waxuu yiri,”dad yar ayaa fahmi karaan farqiga udhaxeya qarash gareen filim iyo mushaarka jilaaga in badan dhaqaalo badan ayaa kubaxo filimka anaga ayaa og miisaaniyada aan galeyno baxarkeeda idinka waxba kama ogidiin.”

“Mararka qaar atiriisho ayaa ka mushaar badnaaneyso atoore sabab la xiriirta inee ka dadaao badan tahay atoorahaas inta badanse waxaa mushaar badan atooraha waana wada ognahay midaas.”

“Aniga ahaan waxaan jeclahay marwalba inaan iska ilaaliyo xaqa jilaa igu leeyahay ugu dambeyna Akshay iyo Kareena mushaarka ay u qalmaan ayuu mid walba iga heli doonaa” dhanka kale Alia Bhatt iyada waxay dhankeeda hadalka kusoo xirtay inee ku qanacsantahay mushaarka ay waqtigaan ku shaqeyso waliba waxay sheegtay inuu sare u kacay mushaarkeeda inkastoo cadadka aysan ku dhawaaqin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here