Karanvir Bohra wuxuu ka mid yahay atoorayaasha ugu caansan uguna saameynta badan kuwa musal salada sameeyaan ee TV-yada laga daawado sidoo kalena mararka qaar aflaanta Bollywood-ka sameeyaan ee tiyaatarka laga daawado ayuu kasoo muuqdaa waana xidig baraha bulshada siweyn ula fal galo madaama uu leeyahay taageerayaal badan.

Madaama Karanvir Bohra shaashada ama musal salada ku matalo inta badan jilaa aan dumarka u nixin waxay Soomaalida badankooda u bixiyeen “Gabdho dile” balse haatan wuxuu lasoo baxay naxariis badan asigoo howlaha guriga ka nasinaayo reerkiisa madaama xaalad karantiil ah lagu jiro gudaha Hindiya oo qof walbo la dhahay gurigaaga joog shaqooyinkii badankoodana hakadeen.

Karanvir Bohra wuxuu dhahay “Madaama iskuulada la xiray, sidoo kalena shaqaalihii reerka caawin jireen la dhahay guryihiina jooga, waa waqtiga ugu wanaagsan ragga caawin lahaayeen dumarka, hala shaqeesto aniga waxaan waqti galiyaa haatan caawinta reerkeyga.”

Sidoo kale Karanvir Bohra xaaskiisa Teejay Sidhu oo iyadana ah atirisho aflaanta musal salka jisho ayaa seygeeda bogaadisay waxayna tiri “Kani wuxuu tusaale u yahay ragga kuwooda ugu wanaagsan ee qoyskooda caawiyaan, wuxuu ku jiraa howl nadiifin sidoo kalena caruurta ayuu quudinayaa oo uu raashiin siinayaa, waana ku faraxsanahay shaqada inuu nala qabanaayo xiliga aan karantiilka ku jirno.”

Karanvir Bohra wuxuu guursaday Teejay Sidhu sanadii 2006 waxaana lamaanahan u joogaan labo caruur ah weliba labo gabdhood mataano ah oo lagu kala magacaabo Bella iyo Vienna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here