Karanvir Bohra wuxuu ka mid yahay atoorayaasha dhanka Tv-yada ama musal salaada maqaam sare ka gaaray sidoo kalena mararka qaar aflaanta tiyaatarka laga daawado ee Bollywood-ka sameeyaan kasoo muuqdo balse haatan wuxuu ka mid yahay jilaayaasha guryahooda joogaan ee bandowga saameynta ku yeeshay.

Inta badan Karanvir Bohra wuxuu shaashada ku matalaa nin xaasid ah oo aan nixin dumarka ama gabdhahana dhibaateeyo sidaa darteed Soomaalida badankooda waxay ugu yeeraan “Gabdho dile” balse haatan naxariistiisa ayuu banaanka soo dhigay xili qof walbo Hindi ah kaalmo looga baahan yahay.

Karanvir Bohra wuxuu booliska magaalada Mumbai ugu deeda maasgarada adag ee wajiga lagu xirto si la isaga ilaaliyo Coronavirus-ka weliba 1000 maasgaro nooca adag ayuu booliska u qeybiyay madaama har iyo habeen u taagan yihiin sugista amaanka iyo ka ilaalinta shacabka inuu cudurkan halista badan ku dhex faafo.

Karanvir Bohra ayaa sheegay in booliska Mumbai abaalkooda aan la gudi karin isaga qaatay door ah inuu usoo iibiyo kadibna ku wareejiyo 1000 maasgaro wajiga, indhaha iyo sanka ka ilaalineyso Virus-ka inay sahlanaadaan waxaana siweyn loogu mahad celiyay xidigan baraha bulshada kaalinra uu qaatay iyo qalbi wanaaga uu muujiyay.

Dhinaca shaqada Karanvir Bohra waxaa u diyaarsan filim lagu magacaabo Ijjazat oo Bollywood ah wuxuuna ku matali doonaa nolosha Ra’iisul Wasaarihii hore Hindiya Rajiv Gandhi oo sanadii 1989 geeriyooday waana filim fariin waaqici ah xambaarsan. Sidoo kale atoorahan dhanka Digital-ka ayuu ku biiray waxaana u diyaarsan filim lagu magacaabo The Casino oo si Online ah barta ZEE5 dhawaan looga daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here