Sida lasoo bandhigay qaar ka mid ah atirishooyinka Bollywood-ka ayaa xiligan la joogo ka lacag badan lamaanayaashooda ama nimanka ay u dhaxaan oo ay sidoo kale fanka Hindiya ka wada tirsan yihiin, waxayna warbixintan abuurtay hadal heyn xoogan.

Aishwarya Rai Bachchan & Abhishek Bachchan: Sida ay soo bandhigtay shirkada Forbes Aishwarya Rai Bachchan daqligeeda waxaa lagu sheegay inuu yahay $35m halka seygeeda Abhishek isagana hanti guud heesto ay tahay $30m. Sidoo kale Aish daqliga sanadlaha soo galo waa 15 Crore ($1.98m) halka Abhishek isagana daqligiisa sanadlaha yahay 10 Crore ($1.32m).

Saif Ali Khan & Kareena Kapoor Khan: Sida ay shirkada Forbes shaaca ka qaaday daqliga sanadlaha ee Kareena Kapoor soo galo waa 46 Crore ($6.07m), halka Saif daqligiisa sanadlaha uu yahay 17.03 Crore ($2.24m). Balse hantida guud waxaa badan Saif oo heesto $150m halka Kareena ay heesato hanti ahaan $46m.

Hema Malini & Dharmendra: sida ay Forbes sheegtay Hema daqliga sanadlaha soo galo waa $5m madaama xil dhibaanad tahay waxay heshay mashaariic kala duwan sidoo kalena ganacsigeeda waa mid sare u socdo, Dharmendra isagana daqligiisa sanadlaha waa $2m inta badana daqligan wuxuu ka sameeyay beertiisa weyn wax soo saarka ay leedahay in sanadkii hore aflaanta uu sameeyay. Balse Dharam ayaa hanti badan labadooda madaama hantida guud heesto tahay $70m halka Hema Malini heesato $50m hanti lagu sheegay gaareyso.

Bipasha Basu & Karan Singh Grover: sida Forbes sheegtay Bipasha daqligeeda sanadlaha waa $5m, halka seygeeda Karan Singh Grover daqligiisa sanadlaha yahay $3m. Sidoo kalena Bipasha hantideeda guud waxaa lagu sheegay $15m balse waxaa hanti badan daqliga guud seygeeda Karan oo heesto hanti $15m lagu qiimeeyay.

Sunny Leone & Daniel Weber: sida Forbes sheegtay Sunny Leone daqligeeda sanadlaha waa 2 Crore ($264k) halka seygeeda Daniel Weber daqliga soo galay sanadkan uu yahay $1m. Sidoo kale hantida guud Sunny heesato waa $13m halka seygeeda Daniel uu heesto hanti lagu qiyaasay $5m inay ku fadhiso.

Farah Khan & Shirish Kunder: Gabadha filimada sameyso Farah Khan daqligeeda sanadlaha wuxuu u dhaxeeyaa $1m – $5m halka seygeeda Shirish Kunder oo isagana aflaanta sameeyo daqligiisa sanadlaha uu yahay $200k. Sidoo kalena Farah hantida guud heesato waa $50m halka seygeeda Shiris isagana hantida guud heesto tahay $5m qiyaas ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here