Mr. Perfectionist Aamir Khan ayaa shalay si rasmi ah usoo bandhigay aragtida kowaad lamaantiisa filimka Laal Singh Chaddha waa Superstra Kareena Kapoor Khan oo filimkan door adag ku leh sidoo kalena qof walbo wuxuu sugayaa is fahanka Aamir & Kareena shaashada kusoo bandhigi doonaan.

Aragtida ama kaartada saameynta badan ayuu Aamir Khan kasoo bandhigay doorka Kareena filimka Laal Singh Chaddha ku leedahay qofka ay hab siineyso siina jeedo sidoo kalena duubka Siinga Siingaha u xiran yahay waa isaga waxayna abuurtay kaartadan hadal heyn xoogan.

Haddaba Aamir Khan aragtida uu Kareena kasoo bandhigay wuxuu soo raacsiiyay qoraal saameyn badan asigoo dhahay “Farxad wanaagsan maalinta jaceylka aduunka, tani waa Kareena, waxaan jeclaan lahaa filim walbo inaan jaceyl shaashada kugula wadaago, waayo waa wax ii dabiici ah inaan shaashada kula qeebsado. Jaceyl fara badan ayaan dhamiintiin idiin hayaa.”

Aamir Khan dabcan qoraalkan wuxuu ku muujiyay xushmada, is fahanka iyo wanaaga faraha badan ee Kareena kala dhaxeeyo marba hadduuba leeyahay waxaa ii fiicnaan laheyd inaan filim walbo shaashada jaceyl kugula matalo waxaana mashruucan weyn la daawan doonaa Christmas 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here