Kareena Kapoor iyo Sonam Kapoor oo isku diyaarinaayo iney ka qeyb galaan qeybta labaad ee filimka guusha u gaaray ee Veere Di Wedding.

0
945

Sida ay qortay shabakada hindiga ee Mid-Day taasoo ilo u gaar ah soo xiganeyso waxaa durba la bilaabay in la qoro sheekada qeybta labaad ee filimka guusha ka gaaray Box Officeka ee Veere Di Wedding.

Filimkaan oo qeybtiisii koowaad ay jileen Kareena Kapoor, Sonam Kapoor Ahuja, Swara Bhasker iyo Shikha Talsania ayaa haatan lagu wadaa in qeybtiisa ay kasoo wada muuqdaan dhamaan atariishooyinkaan iyagoona siwadajir u jili doonaan.

Qeybta labaad ee filimkaan ayaa waxaa maal galin doono Rhea Kapoor iyo Ekta Kapoor waxaana duubis lagu bilaabi doonaa sanadka dambe 2020ka inkastoo wali sheekadiisa laga falxalan.

Filimkaan la isugu keenay gabdhaha reer Kapoor ayaa qeybtiisii koowaad Box Officeka guul ka gaaray asigoona soo xareeyay 80 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here