Lamaanaha caanka ah ee fanka Hindiya awooda ku leh Kareena Kapoor Khan iyo Saif Ali Khan ayaa iyagana kaalintooda qaateen waxayna baraha bulshada soo dhigeen inay dowlada Hindiya garab istaageen sidoo kalena taakuleyn dhaqaale bixiyeen si shacabka Hindiya loo garab istaago madaama Coronavirus dagaal culus lagula jiro.

Kareena Kapoor Khan iyo Saif Ali Khan waxay lacago ugu deeqeen gudiga gurmadka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Hindiya sameeyay iyo ururka samafalka ee gobolka Maharashtra ee Mumbai xarun ah laga sameeyay si shacabka dan daran u caawiyaan madaama shaqo aysan jirin guryahana lagu xaniban yahay.

Kareena Kapoor waxay barteeda Instagram-ka kusoo qortay “Waxaan taageerideena u fidinay gudiga gurmadka Ra’iisul Wasaare Modi sameeyay iyo hay’ada samafalka gobolka Maharashtra ka hawl gasho, waqtigan oo kale caawinaad kasto waa muhiim xitaa hal Rubi ha ahaato, muhiimada waa inaan is caawinaa gaar ahaan dadka caawinaada u baahan, fadlan wax walbo sameeyaa oo aan dadkeena ku caawin karno.”

Balse Kareena shaaca ma aysan ka qaadin lacagaha ay bixiyaan iyada iyo seygeeda, sidoo kalena waxaa xusid mudan in horey Kareena iyo Saif kaalmo lacageed gaarsiiyeen hay’adaha caalamiga ah UNICEF, Give India iyo International Association for Human Values (IAHV) kuwaas oo ku howlan caawinta caruurta, qoysaska iyo dadka aan wax heesanin ee gudaha Hindiya ku dhibaateen waqtigan adag.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here