Atiriishada caanka ah Kareena Kapoor Khan ayaa Instagram-keda kuxustay khamiistii in Veere Di Wedding yahay Filim kamid ah aflaamtee sameysay kuwee ugu jeceshahay waana Filimkii ay kusoo laabatay dhanka shaqada Bollywoodka dhalashada Taimur Ali Khan kadib.

Bebo oo asaxaab Instagram noqotay ayaa taageerayaasheeda aqbaar walba halkaas kula wadaagto waxayna markaan xustay mashruuceeda guusha weyn u gaaray ee Veere Di Wedding waxayna tiri iyadoo hadleysa.

“”Veere Di Wedding waa mid kamid ah aflaamteyda kuwa aan ugu xiiseeyo sido kalena aan la sameeyay gabdhahii (atiriishooyinkii) ugu wanaagsanaayeen (inaan xiligaa la sameeyo) kadib markuu dhashtay Taimur (Ali Khan).”

Filimkaan waxuu ka hadlayaa nolosha 4-haween ah kuwaaso kaga hadlayaan dhaqanka guurka aqbalidiisa iyo isku diyaarintiisa waliba habka casriga ah ee dunida maanta aan joogno waxaana Bebo la jileen Sonam Kapoor, Swara Bhaskar iyo Shikha Talsania halka Shashank Ghosh uu Director ka ahaa 2018 ayaana la daawaday waana Hit dhameestiran darajo ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here