Bollywoodka waxaa kujiraan atiriishooyin muuqaalkooda iyo caafimaadka jirkooda wax walbo ka hormariya da’dana xagooda tiro ayee ka tahay waxaaba dhici karto atiriishooyinkii 90-kii qaarkood inee ka jir quruxoonaadaan oo ka jimicsi bataan gabdho yaryar oo hada soo baxay.

Maqaalkaan waxaan ku eegeynaa 6-Atiriisho hooyooyin ah iyo mid iyado seygeeda atoore ah balse Bollywoodka qeyb ka ah sidaasna 7 ayee ku noqonayaan dhamaantood waa hooyooyin balse marka aad qiimeyso qaab dhismeedka jirkooda uma maleysid inee hooyooyin yihiin sidee Gym iyo jimicsi ugu jireen ayaana sabab u noqotay in lakala garan waayo.

Fadlan aan hoos kaga bogo oo aan isla aragno 7-haween ee loo maleeyo kuwa gabdho ah oo aan wali hooyooyin noqonin:

4-Karisma Kapoor: xidigtaan xili hore ayee Filimada ka fariisatay waana atiriisho 45-sano sare udhaaftay saas etahay iyadoo hooyona ah ayee hadana reer jimicsi tahay muuqaalkeeda maanta looma maleeyo inee hooyo tahay caruurna dhashay waliba gabadheeda Bollywoodka ayaa loo saadaalinayaa inee imaan doonto.

5-Malaika Arora: waa hooyo carmal ama garoob ah sido kalena 40-sano sare udhaaftay maanta muuqaalkeedana waxaa loo maleya ine yartahay walina caruur dhalin Malaika Arora atiriisho looga dayado jir dhiska iyo jimicsiga.

6-Lisa Haydan: atiriishadan wax walba waxay ka hormarisaa jimicsiga gym kaliya ma aado ee wax walbo jimicsi ah ayee sameysa dabaasha xitaa qeyb haka ahaate waana hooyo mana loo maleeyo.

7-Sushmita Sen: waa hooyo labo gabdho heysato Yoga ayee aad u badsataa gymka iyo jimicsiga kalena waa qeyb kamid ah nolosheeda 24-saac ka kooban.

Dhamaad..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here