Bollywoodka waxaa kujiraan atiriishooyin muuqaalkooda iyo caafimaadka jirkooda wax walbo ka hormariya da’dana xagooda tiro ayee ka tahay waxaaba dhici karto atiriishooyinkii 90-kii qaarkood inee ka jir quruxoonaadaan oo ka jimicsi bataan gabdho yaryar oo hada soo baxay.

Maqaalkaan waxaan ku eegeynaa 6-Atiriisho hooyooyin ah iyo mid iyado seygeeda atoore ah balse Bollywoodka qeyb ka ah sidaasna 7 ayee ku noqonayaan dhamaantood waa hooyooyin balse marka aad qiimeyso qaab dhismeedka jirkooda uma maleysid inee hooyooyin yihiin sidee Gym iyo jimicsi ugu jireen ayaana sabab u noqotay in lakala garan waayo.

Fadlan aan hoos kaga bogo oo aan isla aragno 7-haween ee loo maleeyo kuwa gabdho ah oo aan wali hooyooyin noqonin:

1-Shilpa Shetty Kundra: dood lama galin karo xidigtaan sida ay udhalaaleyso marka laga soo tago inee tahay atiriisho Fit ah oo jmicisga ku xeel dheer muuqaalka dhalaalka quruxdeeda wali waxaad moodaa sidii 90-maadkii ay ahed.

2-Mira Rajput Kapoor: iyadu ma ahan atiriisho balse waa qeyb kamid ah Bollywoodka maadama seygeeda Shahid Kapoor yahay gabadhaan 2-caruur ayee dhashay balse waa mid kamid ah hablaha caanka ah ee ku dadaalaan jimicsiga iyo gymka Shahif ayeena uraacdaa maalin walba GYM.

3-Kareena Kapoor Khan: xidigtaan shaki kuma jiro inee tahay atiriisho Fit ah waana atiriisho karti badan Taimur markuu dhashtay kadib Kareena miisaankeeda wax badan ayee ka riday iyadoo 40-jir kudhowaad ah xiligaan waxaa loo maleyaa 20-jir sabab la xiriirta inee aad u badsato jimicsiga quruxdeedana ilaaliso.

Lasoco qeybta labaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here