Xidigta caanka ah Kareena Kapoor Khan ayaa xayeysiin balaaran u sameyneysa filimkeeda Good Newws oo la daawan doono dhamaadka bishaan December waxaana la jilayaan Akshay Kumar, Diljit Dosanj, Kiara Advani iyo kuwa kale.

Bebo filimka waxay kujilee haweeyney uur inee qaado dooneyso balse kudhiban iyada seygeeda sidee ubad ku heli lahaayeen ugu dambeyna wey qaadee uurka hadaba xidigtan oo wareysi lala yeeshtay xili ay mashruucan xayeysiineysay waxaana wax laga weydiiyay nolosheeda gaar ah.

Kareena waxaa la weydiiyay inee hader uur leedahay waxaa kaloo la weydiiyay in qorshaha ugu jiro iyada iyo Saif sidee cunug kale ku dhali lahaayen Taimur kadib waxayna ku jawaabtay sida tan,”waxaan ku faraxsanahay nolosha hader aan kujiro.”

Good Newwz: Is Kareena Kapoor Khan planning a second child with hubby Saif Ali Khan? The actress answers...

“Waxaan heysanaa hal cunug (Taimur Ali Khan) hadana aniga iyo Saif (Ali Khan) qorshaha inooguma jiro inaan ubad kale dhalno sababtana waxay tahay inaan ku faraxsanahay Taimur inaa heysano sababta kalena waa inaan kala mashquulsanahay.”

“Howlaheena filim duubista ayaan ku kala mashquulsanahay marka uma aynan soo jeedsanin inaan qoyska sii badino waana sababta labaad ee qoyska usii kordhi la’yahay waase macquul in hada kadib qorsheeno hadase qorshe noocaas ah majiraan wax uur ahna malihi.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here