Bollywood Bebo Aka Kareena Kapoor Khan ayaa si rasmi ah ugu buuxsantay mudo 20-sano ah oo ay fanka hindiya kujirtay shalay oo kale 30-June 2020 ayee xidigtaani noqotay atiriisho waxaana la daawaday filimkeedii kowaad Refugee.

Refugee waxaa tiyaatarada la saaray 30-june 2000 Abhishek Bachchan ayeena isla sameyeen sido kale Kareena shalay baraha bulshada ayee arinkaan ku xustay iyo inee 20-sano u buuxsantay hadaba maxaa lagu xusuusan doonaa Bebo mudo 20-sano oo ay na madadaalisay hoos kaga bogo xog ugaar ah:

1-Waa atiriisho atoorayaal shaashada kaga saameyn badnaatay waxaa kamid ah Jab We Met oo ilaa hada loo tixgaliyo inee iyada atoore ka ahed abaal marin Filimfare wey kuqaadatay, Main Prem Ki Deewano Hoon mashruucan Bebo waxay ku xarakeysay Hrithik Roshan iyo Abhishek Bachchan balse waxaa ciil ah inuu ka guuldarestay abaal marin filimfare na lagu siinwaayey.

Mujh Kuch Kehna Hai iyada ugu fiicned waxayna soo saartay Tusshar Kapoor sido kale Bewafa Akshay Kumar ayee kaga saameyn badatay shaashada halka Bodyguard ay Salman Khan ciriirisay door ahaan iyo jiliin ahaan waxaana marnaba la ilaawi karin sida ay ugashay Arjun Kapoor filimka Ki & Ka door ahaan iyo jiliin ahaan ugu dambeyn doorkeeda ugu caansan waa midka KG3 ilaa hadana ereyga “Poo” lagama daba dhigo.

2-Mudadii 20-ka sano udambeysay Kareena waxay noqotay atiriishada ugu guulaha badan Bollywood-ka iyadoo sameeysay 23-Filim oo guulesteen.

3-Kareena waxaa usuurto gashay inee kamid noqotay labada atiriisho 20-sano lasoo dhaafay tirada Hit-ka ugu badan sameyeen iyada iyo Katrina ayaana hogaanka hayaan oo min 13-Filim Hit dhameestiran ayee sameyeen 2000-2020.

4-Kareena waa atiriishada ugu Blockbuster-ka badan mudo 20-sano ah waxayna sameeysay 5-Blockbuster oo kala ah KG3, 3 Idiots, Bodyguard, Golmaal 3 iyo Bajrang Bhaijaan.

5-Waa mid kamid ah atiriishooyinka awoodooda filimada ku iibiyaan guulo fiicana gaarsiiyeen waxaana u horeyaan filimadaas Jab We Met (Hit), Ki & Ka (Semi-Hit) iyo Veere Di Wedding (Hit).

6-Bebo waxaa usuurto gashay inee gaarto darajada Superstar oo ah darajo aan ciyaar lagu gaari karin waxayna ku muteysatay mudo 20-sano xiriir ah inee filimadeeda atiriisho kowaad ka ahed waligeedna horey uma dhicin ama atiriisho sameysay majirto haderna waxay diyaar utahay sanado kale ine sii taagnaato.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here