Kareena Kapoor Khan fanka Hindiya 20-sano xariir ah ayay awood ku leedahay waxayna la shaqeesay inta badan atoorayaasha Bollywood-ka saameynta xoogan ku leh iyo kuwa aanan ku laheyn waa xidig shirkad walbo la shaqeyo. Waxayna dhawaan wareysi ay siisay BBC-da qaybteeda Asia la hadasho ku sheegtay arin xiiso badan oo ku aadan in seygeeda Saif Ali Khan iska diiday sameynta filimka Talaash.

Filimka Talaash sanadii 2012 waxaa wada jileen Aamir Khan, Kareena Kapoor Khan iyo Rani Mukerji waana filim guul weyn gaaray balse dooqa kowaad mashruucan Saif ayaa ahaa sida ay Kareena sheegtay waxayna tiri “Talaash waxaa loo soo bandhigay Saif inuu hogaamiye ka noqdo balse markaas wuxuu rabay inuu sameeyo aflaanta mada daalada dhameestiran leh ee hab ganacsi fariintooda loo dhigo wuuna iska diiday Talaash. Kadibna waxaa lagu badalay Aamir Khan oo aqbalay inuu mashruucan hogaamiye ka noqdo.”

Dhinaca kale Kareena waxaa la weydiiyay sababta aysan u sameynin weli filim Hollywood ah waxayna tiri “Ma doonayo inaan Hollywood ku biiro waayo ma rabi inaan banaanka u shaqo doonto oo aan reerkeyga ka fogaado. Taasi kama dhigno inaan sameyn karin filimo Hollywood ah waan sameyn karaa balse magac iyo maamuus waxaan ku heestaa fankeena.”

Dhinaca shaqada Kareena filimkeedii ugu dambeeyay Good Newwz oo ay la sameesay Akshay Kumar, Diljit Dosanjh & Kiara Advani wuxuu noqday Super Hit weyn dibad iyo dal sidoo kalena filimkeeda xiga Laal Singh Chaddha waxay lasoo wada Aamir Khan balse duubistiisa hakad ayaa ku yimid waxaana macquul ah in mashruuca dib kaga dhaco waqtigii la daawan lahaa Christmas 2020 ama dabyaaqada sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here