Ajay devgan iyo Kareena ayaa waxa ay qayb ka yihiin aktarada isla sameeyeen dhawr aflaamood iyagoo labadooda ay iskala soo muuqdayn aflaamta kala omkara (2006) golmaal returns (2008) golmaal 3 ( 2013) singham returns (2014)

inkastoo kareena kapoor lagu yaqaano inay tahay  atariisho aan waxba ka diidan director marka la jooga shaashada filimka iyadoo mararka qaar xitaa director dartiisa u sameesa muuqaalo kala duwan

laakiin atariishadan ayaa direcorka filimka Satyagraha ninka lagu magacaabo Prakash jha ka codsaday inay shumis la wadaagto aktarka ajay devgan laakiin atariishadan ayaa iska diiday samaynta muuqaalkaas

iyadoo atariishadan ay hore shaashada shumis kula wadaagtay dhawr aktar sida shahid kapoor filimkii jab we met , akshay kumar filimkii kambakht ishq

laakiin kareena kapoor shumiska kama aysan ahayn diidmo ay ugu dan leedahay aktarka ajay devgan sababta kareena ay u diiday inay ajay devgan shumis kula wadaagto shaashada ayaa   lagu  sheegay inay tahay arooska iyada iyo saif ali khan

kareena ayaa xiligaas ay duubaysa filimka satyagraha ay ahayd aroos cusub maadama arooskeeda ka dib uu filimka ahaa kii ugu horeeyay ay ka shaqo bilowday

sidaas darteed kareena kapoor marna ma doonayn inay xiligaas shaashada shumis kula wadaagto aktar walba maadamaa ay xushmeenaysa arooska cusub ee iyada iyo ninkeeda saif ali khan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here