Kapoor Sisters mudo sanado badan ayaa lagu riyoon jirag inee shaashada kasoo wada muuqdaan oo ay hal Filim isla hogaamiyaan riyadan oo taageerayaashooda isaga riyoon jireen ayaan wali rumoowin.

Waxaadba moodaa ineysan xiiso uqabin inee hal Filim isla sameyaan balse hadalka Kareena Kapoor aan udeyno iyo waxa ay katiri xiisaha ay uqabto walaashed Karisma inee Filim la sameyso.

Bebo (Kareena) oo ka hadleyso soo laabashada Lolo (Karisma) waxay tiri,”aniga iyo dhamaan taageerayaasha waan wada sugi la’nahay goorta Lolo shaashada kusoo laaban doonto waliba sanado badan ahaan sugoonaa waxaana filaa in markaan ay naga farxin doonto misane soo laaban doonto.”

Kareena Kapoor Khan opens up on working with sister Karisma Kapoor in a film

Waxaa la weydiiyay haddii ay waligeed ku hamisay inee Karisma Filim la sameyso waxay tiri iyadoo ka jawaabeysa,”aniga iyo iyadaba waligeen waan jecleen inaan hal Filim kawada shaqeyno balse ilaa hadda sheeko iyo fariin fiican ma aynan helin balse waa hubaal haddi Filimsameye sheeko xiiso leh inoo keeno inaan deg deg u sameyneyno.”

Labadan atiriisho walaalaha ah waxay ka simanyihiin in Karisma ahed atiriishadii ugu guulaha badneed 90-maadkii (1990-1999) oo waxay sameysay 22-Filim guulesteen halka Kareena 20 -sano ugu dambeysay (2000-2020) ay tahay atiriishada ugu guulaha badan Bollywood waxayna sameeysay 23-Filim guulesteen xisaabtana kuma jiro Angrezi Medium oo tiyaatarada usaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here