Mudo sanado badan kadib dhowaan Kareena Kapoor Khan ayaa ka hadashay xiriirkii wacnaa ee Shahid Kapoor kala dhaxeeyay in nolosheeda uu wax badan ka bedelay Filimkii Tashan sido kale mustaqbalkeeda fanka Hindiyana uu wax badan ka bedelay Filimkii Jab We Met.

Shahid iyo Kareena xiriirkooda waxuu ku bur buray Filimkii Jab We Met markaa kadib Kareena waxay jeclaatay Saif Ali Khan 2012 ayeena guursatay balse Shahid ilaa 2015 kalinimo ayuu ku noolaa ilaa Mira Rajput uu ka helay maantana Bebo iyo Shahid mid walba waalid ayuu noqday caruur ayaana u joogaan.

Hadaba Kareena wareysi ay dhowaan bixisay waxay kaga hadashay arimaha aan sare kuxusnay waxay tiri iyadoo Shahid ka hadleysa,”xiriir wacan ayaa naga dhaxeeyay laakiin calaf ayaa nakala geeyay marnaba isma laheen sidaas ayee wax noqonayaan wax walbana waxay dhamaadeen intaan duubeynay Filimka Jab We Met.”

“Run ahaantii Shahid ayaa Filimkaas inaan sameeyo igula taliyay doorka atiriishada ayuu ka helay waxuuna idhahay gabar adi ahen ma sameyn karto isaga dartiis ayaana u saxiixday maba ogeyn inaan saxiixay Filimkii sabab u noqday xiriirkeyga inuu burburo.”

“Balse Tashan ayaa nolosheyda wax ka bedelay waayo waxaan kula kulmay ninkii aan ku riyoon jiray waligey (Saif Ali Khan) waana guursaday ugu dambeyn si fudud Jab We Met waxuu bedelay mustaqbalkeyga Bollywoodka iyo shaqada halka Tashan uu bedelay nolosheyda gaarka ah.”

Kareena Jab We Met waxay ku qaadatay abaal marinta Filimfare atiriishada ugu wanaagsan wuxuuna ahaa sanadkii Kareena sanadkaan oo Filimkaas atoore ayee ka ahed ayaaba la dhihi karaa halka Tashan ay ku heshay atoorihii mustaqbalkeeda noqon lahaa waa labo Filim nolosheeda saameyn weyn kuleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here