Dalka talyaaniga ayaa waqtigaan la joogo noqday dalka ugu halista badan caalamka maadama caabuqa Coronavirus uu si weyn u saameeyay waxaana u geeriyooden cudurkaan kudhowaad 7000 qof.

Hadaba atiriishada caanka ah Kareena Kapoor ayaa kamid noqotay dadka aadka oga murugeysan musiibada talyaaniga heysata inkastoo caabuqa dunida oodhan ku faafay hadana iyaga ayaa ugu qasaaro badan waqtigaan.

Kareena waxay Instagram-ka so dhigtay 3-maalin kahor sawir xusuus ah oo ay talyaaniga joogto misane uu ka socday Saif Ali Khan waxayna soo raacisay,”waan ma murugeysanahay musiibada Italy heysata aniga iyo seygeeyga (Saif Ali Khan) waan usoo duceyneynaa reer Italy.”

Bebo ayaa labo todobaad kahor Instagram-ka kusoo biirtay waana markii ugu horeysay oo ay sameysatay ciwaan Official ah sido kale durba 2-milyan shacbiyad in kabadan ayee Instagram-ka ku yeelatay maadama sanado badan la sugaayey xidigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here