Maadama dalka India oodhan Karona kajiro dadkana guryahooda kujiraan inta badan bahda Tv-yada ayaa iskudayayaan inee dadka ku madadaaliyaan Filimadii hore, musalsaladii hore, iyo wareysiyadii hore dhanka fanka hindiya waxaana bilaawatay dib u milicso barnaamijyo ah maadama warae Update ah ama Filimo cusub jirin.

Kanaalka Star World ayaa ballan qaaday in 9:00 am subaxnimo ilaa 9:00 pm habeenkii fiidnimo uu soo deyn doono maalin walba dhamaan xalqadaha barnaamijka xiisaha badan ee Koffe With Karan si dadka ugu madadaalaan dibna ugu daawadaan xalqadahan.

Hadaba 5-qodob oo koo kooban ayaa kasoo qaadaneen misane ah 5 xalqo kala duwan oo xidigo kala duwan Karan Johar wareysi ka qaaday 5-maqaal ayaa ka kala dhigeena anagoo maqaal walba qodob ku xuseyno hadaba qodobka 4 -aad hoos kaga bogo:

Qodobka 4-aad Koffe With Karan:

Atiriishada caanka ah Kareena Kapoor Khan ayaa hada kahor ku dhawaaqday ineysan waligeed dambe ka shaqeyn doonin jilaaga caanka ah John Abraham xili ay ka qeyb galeysay barnaamijka Koffe With Karan arinkaan ayaana in mudo ah la hadal hayey.

Karan ayaa Kareena weydiiyay atooraha Bollywoodka ee ay iska ilaaliso la shaqeyntiisa iyo sababta waxayna tiri,”waa John Abraham atooraha aan inta badan iska ilaaliyi inaan Filim la sameeyo sababto ah wax dareen naxariis ah malahan, qiiro iyo jilaacnimo malahan markuu Filimka jilaayo.”

John ayaa arinkaas maqlay mudo kadibna waxuu Kareena kula kulmay xaflad Shah Rukh Khan dhigay jilayaasha dhana ku casuumay waxuuna John yiri isagoo Bebo xaflada kula sheekeysanaayo.

“Waxaan daawaday xalqadii Koffe With Karan ee aad kasoo muuqatay qodobkii aad iiga hadashayna waan arkay waxaanse kuu ballan qaadayaa haddii aad Filim ila sameyso in Filimkaas qiiro iyo jaceyl calaacal kusaleysan noqon doono anigana min bilaaw ilaa dhamaad qof qiireysan oo naxariis badan ayaan ahaan doonaa.”

Waxaa la sheegay habeenkaas Kareena inee qosol kabixi weysay waqti wacan iyo kaftan badan ayaana meesha kudhex maray iyada iyo John Abraham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here