Kareena Kapoor Khan ayaa ugu dambeyntii ka hadashay dooda kulul ee fanka Hindiya ka jirto kuna aadan in kaliya haatan fursad heestaan fankana ku waari karaan kuwa is qaraabeysiga Bollywood-ka kusoo galeen oo waalidooda fanka kaga soo horeeyeen.

Doodaan aan dhamaadka laheyn waxay sii hurtay markii Sushant Singh Rajput booliska Mumbai sheegeen inuu 14-kii June 2020 gurigiisa isku dilay asigoo 34-jir ah kadibna baraha bulshada waxaa qabsatay in atoorahan garab la siin waayay madaama uusan kasoo jeedin qoys aan Bollywood-ka awood ku laheyn.

Haddaba dooda dad kale ayaa ka faa’iideesteen oo weerar joogto ah ku hayaan jilaayaasha Bollywood-ka kuwooda waalidiintooda fanka kaga soo hooreeyeen oo haatan magac leh waxayna Kareena la hadashay shabakada caanka ah Filmfare waxayna tiri “21-sano oo aan shaqo adag soo haayay kuma imaanin inaan is qaraabeysi meesha ku joogo. Suurta gal ma ahan midaas, waxaan idiin tirin karaa liis dheer oo ay ku jiraan jilaayaasha ay waalidiin u yihiin Superstars maqaam sare gaareen laakiin iyaga fanka ku waari waayeen. Waa macquul si aan loo baahneyn inaan u hadlaayo balse dhib badan waan soo maray, laakiin dhibkeyga iyo halgankeyga ma ahan sida qof 10 Rupees asigoo wato tareen kusoo safray oo Mumbai imaaday kadib fanka soo galay ee dhibaatooyin kale ayaan la kulmay si aan magac u yeesho.”

Kareena oo hadalkeeda sii wadato waxay tiri “Kaliya daawadayaasha ayaa xugmin karaan qofka fanka ku waarayo, ma jirto qof qasab halkaan ku yimid dadaal ayaa lagu joogaa Bollywood-ka ee garab laguma joogo. Maanta waxaan heesanaa Superstars waa weyn sida Shah Rukh Khan iyo Akshay Kumar ama Ayushman Khurrana iyo Rajkumar Rao kuwaas oo heer sare gaareen haddana waxay kasoo jeedaan qoys ahaan dad aan fanka ehel u ahayn sababta ay magac iyo maqaam ku yeesheen waxay tahay inay si adag u shaqeeyeen. Ha noqoto Alia ama Kareena shaqo adag ayaan anagana qabanay si aan magac u yeelano sidaa darteed daawadayaasha aya jilaayaasha xukmiyaan ee qofka halka uu kasoo jeedo ma xukmin karto waayihiisa fanka.”

Haddaba aqriste maku raacsan tahay Bebo ama Kareena hadalkeeda saameynta leh?

4 COMMENTS

  1. Haa waan ku raacsanahy Qof walba Bollywood wuxu ko jooga wa kartidiisa imisa qof oo aynu naqaano o dad magac Leh dhaleen mantana ah Flop actress/Flop actor heerna ka gaadhin shirkada Bollywood Imisa qof Oo an Ehehl ku lahayn Bollywood ayaa maanta Heer iyo maqaam ka gaadhay Bollywood! Qof walba jiliinkisa kartidisa ayu ku jooga kareena iyo alia na kartidooda ayay isku wadaan maha Ehelkoda magac Leh….

  2. Aad iyo aad waan ku raacsanahay waa run hadii Bollywood ka is qarabaysi awood cid ku yeelanayso jilayaal badan baa ku saaro lahaa ee waxaa laysku dhaafay waa awooda qofka iyo acting

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here