Marka kowaad Alia Bhatt taageero weyn ayee u tahay Kareena Kapoor waana macalimadeeda fanka sida ay iyada ka dhawaajisay wax badan ayeena kaga dayata dhanka qaab jiliinka midaas Alia ayaa hada kahor sheegtay mar lala bar bardhigay Bebo.

Marka labaad Alia waa qof aad ugu dhow waqtigaa Kareena Kapoor iyo qoyskeeda waxaana ugu wacan xiriirka ka dhaxeyo Bebo walaalked Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt sidaa aawged dumaashi ayaa loo noqonaa Alia Bhatt hadii ay guursato Kareena ina adeerkeed.

Hadaba atiriishooyinka saaxiibada ah waano iyo tallo ayee isku leeyihiin marba haduu xiriir noocaas ah ka dhaxeeyo kaftan iyo farakacayaarkooda marka laga soo tago. Kareena ayaa tallo fiican siisay Alia Bhatt xili ay joogeen xafladii MAMI ee Karan Johar ku wareysanaayey labadooda sheekadii Ranbir Kapoor-na meesha ku sheegayey ama.ku weydiinaayey gabdhahan.

Bebo waxay tiri iyadoo Alia la hadleyso,”waxaan kuugula tallin lahaa inaa waligaa xifaaltan iska ilaaliso iyo naag iska celis waayo guushaada Bollywoodka ayee yareyne waana ka mashquulee howlo badan oo qabsan laheed.”

“Mida kale waligaa ha iibsan shaqadaada iyo xirfadaada hab qiyaano ah micnaheyga sharafkaada ha iibsan shaqadaadana ha iibsan adoo naftaada iyo dadkaleba qiyaaneysid tanina waa waanno kaaga timid walaasha kujecel.”

Waa waanno iyo tallo waayo aragnimo ah Bebo u jeedisay Alia Bhatt weyna qaadatay si duuduub ah waliba ileen suaal kama keeni karto Karan Johar-na waa maqlaayey markii hadalkaas Kareena laheed kadibna foodadiisa ayuu halkeedii kasii watay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here