Sonam Kapoor walaashed Rhea Kapoor waa gabar qarash-gareysa filimada haatan waxay saaxiib dhow la tahay Kareena Kapoor Khan oo kamid ah atiriishooyinka ugu quwada weyn shirkada Bollywood run ahaantii Rhea wey ka faaideysan kartaa awooda Bebo hadii ay aflaam badan u maalgaliso waqtigaan.

Dhowaan Story-ga Rhea waxaa lagu arkay sawirka iyada iyo Kareena waxaana muuqata inee isku xiiseyn labadan saaxiiba ah mudadii hindiya bandowga kajiray arinka xiisaha leh ayaa ah in Kareena ay ka dhawaajisay inee aad u xiiseyneyso ama sugi la’adahay la kulanka Rhea Kapooor.

Tani ayaa suaal ka dhalatay tolow ma kulan saaxiibtinimaa mise waa kulan shaqo waana mida saxaafada isweydiineyso waxayna u badantahay Kareena ine dooneyso filim kale inee ku midoowaan iyada iyo Rhea halkaasna Hit-kale oo ay iyada hogaamineyso ku hesho.

Labadooda horey waxay u sameyeen filimkii Veere Di Wedding ee 2018 la daawaday misane Hit-ka noqday waxaana Kareena la jileen Sonam Kapoor, Swara Bhaskar iyo Shikha Talsania dhowaan ayuuna 2-sano jirsaday mashruucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here