Atirishada Super Star-da ah ee fanka Hindiya maqaamka sare ka gaartay Kareena Kapoor Khan sidoo kalena 20-sano ka badan awood ku dhex leh Bollywood-ka xitaa haddii ay hooyo noqotay arin nolosheeda u gaarka ah ayay banaanka soo dhigtay oo aad loogu qoslay balse loogu garaabay marka la eego jaceylka ay qabto nooc ka mid ah qudaarta.

Haddaba Kareena Kapoor waxay sheegtay inay aad uga taxadirto raashiinka ay qaadato madaama aysan rabin misaan labaad jirkeeda inuu galo waayo xiligii wiilkeeda Taimur Ali Khan uurkiisa laheyd ayay xakameen weesay miisaankeeda oo xad dhaaf noqday.

Balse xidigtan waxay sheegtay haddii saxan loogu soo rido cambaha oo feeto feeto u jaran kadibna dhanaan yar oo cusbo iyo bas baas ah loo yeelo inaysan iska celin karin sidoo kalena macquul tahay dhowr saxan cambo habeesan inay ku tagaan ogaal la’aan.

Kareena oo kaftan badan baraha bulshada ay soo dhigtay sida ay u jeceshahay cambaha feetada loo jar jaray oo bas baaska gaduudan dusha looga shubay waxayna sheegtay inay xitaa saxanka leefeyso marka ay cambaha dhameesato sida ay u jeceshahay awgeed kkk kkk.

Dhanka shaqada Kareena filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Angrezi Medium oo ay Irrfan Khan-kii geeriyooday la jisahay lana daawaday 13-kii Maarso 2020 sidoo kalena waxay duubis ku waday filimka Laal Singh Chaddha oo ay Aamir Khan la jileyso ka hor inta aysan Hindiya xaalad bandow ah galin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here