Kareena Kapoor “Saif Ali Khan Ma Guursan Laheen Hadii Asaxaabteyda Igu Qal Qaalin Laheen”

Kareena Kapoor Khan ayaa ku guda jirta xayeysiin u sameynta filmkeeda Veere Di Wedding ee la daawan doono 1 June kaasona ah mashruuc shactiro ah.

Hadaba Bebo ayaa si toos ah waxyaabo badan oo nolosheeda u gaar ah shaaca kaga qaadeysa maalmahan maadaama wareysiyo kala duwan lala yeeshto waxayna shaaca ka qaaday hadii saaxiibadeda ahaan lahen in aysan guursan laheen Saif Ali Khan.

Waxay tiri iyadoo arinkaa ka hadleysa,” Waan qiimeya oo aan xushmeyaa xiriir walba oo nolosheyda soo mara si qaas ah saaxibadeyda qaaska ah xiriirkoda aadban u tixgaliya waana dadka iigu dhow marka ehelkeyga laga yimado.”

“Xaqiiq ahaan Saif ma guursadeen hadii ayaga igu dhiiro galin laheen sababto ah marwalba waxay ahaayen kuwa igu caawiya fikirka iyo talada waxayna marwalba ii sheegi jireen inaan guursado Saif misane guurkisa ogolaado.”