Kareena Kapoor waa mid kamid ah xidigaha ugu caansan Bollywoodka sido kale waa atariisho awood kuleh fanka Hindiya goordhow ayee kusoo laabatay shaqadeeda Filimada maadama ay hooyo ahed.

Hadaba saxaafada ayaa Kareena dhinac walbo ka hareesay waxaana la weydiiyay su’aalo kala duwan oo inta badan ku saabsanaa sida ay u maareen karto nolosheeda gaarka ah iyo xirfadeeda shaqo oo ay caan ku tahay.

Waxaan idiin heynaa su’aalo kala duwan oo ay saxaafada weydiisay laguna soo daabacay shabakada Indian Express:

Su’aal: mudo kadib markii aad dhashay ayaa masraxa Fashion-ka kusoo laabatay xitaa dadka qaban qaabiyeen Lakme Fashion ma fileyn midaas, sidee wax walbo u maareesataa?

Kareena: Marwalbo arimaheyga waa isku dheeli tiraa, waana arin wanaagsan inaan soo laabtay, horey ayaan u sheegay in uurka jiro ahayn sidoo kalena anigoo xaamilo ah ayaan masraxa soo korey Fashion-na sameeyay.

Waan ogahay in xaalad ahaan iyo muuqaal ahaan u diyaarsaneyn xili hore inaan masraxa Model-ka imaado laakiin wax walbo niyad ayay u baahan yihiin anigana shaqadeyda marwalbo niyad ayaan u hayaa.

Su’aal: Inta badan maku dhibaan su’aalaha dadka kugu soo cel celiyaan oo ah sidee isugu wadi kartaa inaad hooyo noqotay iyo shaqadii laguugu yaqiinay?

Kareena: Hindiya waa wax ku cusub waxana aan sameenayo waayo hooyada waxaa lagu yaqaan Hindiya inay guriga joogto xiliga ay dhalmada ku cusub tahay.

Sidoo kalena aad uurkaaga la dhuumatay xiliyada qaar, laakiin aniga xeerkaas waan jebiyay anigoo uur leh ayaan masraxa imaaday shaqooyin kala duwana qabtay.

Gabdhaha wey isku dheeli tiri karaan shaqadooda iyo hooyo inay noqdaan anigana dad badan ayaan doonayaa inaan tusaalo xoogan u noqdo.

Muhiim ma ahan inaan noqdo qof dhuuban oo soo jiidasho leh sidii aan horey u ahan jiray laakiin waxaa muhiim ah inaan ahay hooyo karti badan oo labada dhinac ku wanaagsan shaqada iyo guriga.

Su’aal: Ma jirtaa isbadal gaar ah oo kugu dhacay tan iyo markii aad hooyo noqotay ama culeesyo kusoo wajahay?

Kareena: Marxada ugu wanaagsan ee nolosheyda hada ayaan ku jiraa markii aan hooyo noqday, Aadban ugu faraxsanahay inaan hooyo noqday, waxaan u maleynaa 46-cisho ayaa kasoo wareegatay markii aan hooyo noqday waxaana helay farxada dunida ugu sareyso.

Marka aad fiirisid ubadkaaga ayaad fahmi kartaa farxada kugu soo korodhay qalbi ahaan iyo muuqaal ahaan marka ma aqaan isbadalka aad ka hadleysaan!!

Su’aal: Aabo noocee ah ayuu Saif u yahay wiilkiisa Taimur Ali Khan?

Kareena: Saif waa aabo aad u wanaagsan sidoo kalena gacmihiisa iyo qalbigiisa ugu naxariiso Taimur madaama uu horey aabo usoo noqday.

Xitaa waxaan arkaa in Taimur marka aan aniga fiiriyo iyo marka uu aabihiis fiiriyo inuu siweyn aabihiis ula fal galo sidaa darteed Taimur iyo Saif wax gaar ah ayaa isku soo jiidayo.

Sidoo kale Saif waa aabo aad u wanaagsan oo wax walbo wiilkiisa u sameeyo xitaa xafaayada.bambariska (diapers) ayuu Taimur ka badalaa mana ahan wax uu aniga igu caawinaayo ee waa jaceyl uu wiilkiisa u qabo.

Su’aal: Wiilkaaga Taimur magaca aad u bixiseen dood badan ayaa ka dhashay sidoo kalena baraha bulshada ayaa lagu ijaafeeyay, hadaba sidee arinkaas kuu saameeyay.

Kareena: Ma aqaan sababta dadka ugu mashquuleen magaca wiilkeyga Taimur, laakiin sida Saif dhahay waan ka helnay magaca aan wiilkeena ula baxnay, muhiimadana waa in qoyska ay ka helaan magaca ubadkooda dhamaan qoyskana wey ka heleen magaca wiilkeena midaas ayaana wax walbo ka weyn.

Magaca wiilkeena waan ka helnay uma taagno qof nool ama qof geeriyooday in lagu nisbeeyo ee magac qurux badan sidoo kalena duunka dhan jaceylka iyo wanaaga ay nasoo gaarsiiyeen ayaa ka badan kuwa xumaanta baraha bulshada ku hadal hayeen in mudo ah.

Su’aal: Inkastoo aad shaqada Bollywood-ka ka maqneed mudo oo aad mardhow kusoo laabatay hadana dhawaan barnaamijka Koffee With Karan Season 5 markii aad kasoo muuqatay amaan balaaran ayaad Priyanka Chopra usoo jeedisay iyadana dhankeeda wey kusoo jeedisay, midaas ma waxay ka dhigan tahay in qof walbo aad saaxiib la tahay?

Jawaab: Marwalbo waan tixgaliyaa jilaayaasha xirfada wanaagsan, waayo inta badan jilayaasha wanaagsan wey nagu yar yihiin waxaana qasab ah qofkii wanaagsan in la amaano lana tixgaliyo.

Hadii aad qof ka helo si daacad ah ayaan qofkaas waxa uu yahay u sheegaa sidoo kalena hadii aan qof ka helin waan ka gaabsadaa mana ka hadlo xumaantiisa iyo samaantiisa waayo wanaaga ayaa sidaas ku jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here