Kareena Kapoor Khan iyo seygeeda Saif Ali Khan sanadii 2012 ayay si rasmi ah u aqal galeen waxaana lamaanahan caanka ah u joogo wiil lagu magacaabo Taimur Ali Khan oo dabyaaqadii 2016 dhashay. Waxaa xusid mudan in Saif Bollywood-ka kusoo biiray sanadii 1993 halka Kareena masraxa soo gashay sanadii 2000 waxayna awood ku leeyihiin aflaanta guulaha waa weyn gaareen oo ay sameeyeen iyo biladaha kala duwan oo ay qaateen.

Waxaan idiin heynaa warbixin ka hadleyso Kareena iyo seygeeda Saif daqliga soo galo, hantida guud ay heestaan iyo macluumaad kale oo xiiso badan oo laamahan caanka ah u gaar ah iyo sidoo kale labadooda midkii daqli badan ama hanti badan.

Kareena Kapoor daqligeeda & hantida ay heesato: sida ay shirkada Forbes shaaca ka qaaday daqliga sanadlaha ee Kareena Kapoor soo galo waa 46 Crore ($6.07m). waxayna daqligan inta badan ku kasbataa filimada ay sameyso, xayeysiimaha kala duwan iyo Fashion-ka ama Model-ka ay shirkadaha caanka ah u sameyso. Hantida guud ay Kareena Kapoor heesato waxaa lagu sheegay inay tahay $54m (413 Crore).

Saif Ali Khan daqligiisa & hantida uu heesto: sida ay shirkada Forbes shaaca ka qaaday daqliga 2019 soo galay Saif Ali Khan waa 17.03 Crore ($2.24m) wuxuuna daqliga ka helay aflaanta sida Online-ka loo daawado uu sameeyo, filimada Bollywood-ka iyo xayeysiimaha uu sameeyo. Hantida guud uu Saif Ali Khan heesto waxaa lagu qiyaasay inay ku fadhiso $150m (1138 Crore) madaama reer boqortooyo yahay, qasri aad u weyn ayuu leeyahay, labo shirkad filimada maal galiso iyo ganacsiyo waa weyn ayaa intaas u dheer inuu maamulo oo isaga hoos imaadaan.

Hantida ay heestaan Kareena Kapoor & seygeeda Saif Ali Khan: Lamaanahan caanka ah sidoo kalena awooda badan wadar ahaan hantidooda waxay gaareysaa $204m waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin lamaanahan ugu hodansan ama ugu taajirsan Bollywood-ka xiligan la jogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here