Kareena Kapoor Khan sheekadeeda uurka wali ma dhamaanin hadal heyn xoogan ayeena abuurtay maadama Bebo mar labaad hooyo noqoneyso dhamaan dadka iyada jecelna wey soo dhaweyeen farxada cusub iyo cunuga cusub ee qoyskeeda kusoo biiri doono.

Bebo ayaa markii ugu horeysay December 2016 noqotay hooyo wax saameeyn ahna kuma yeelan shaqadeeda fanka hindiya marka laga reebo mudadii ay umusha ahed oo ay maqned wey soo laabatay weyna wacdareesay hadana sidaas lamid ah waa la fili doonaa.

Ninka u qaabilsan dhanka Make-up-ka Kareena ayaa ka dhawaajiyay sida Bebo waligeed u dooneysay inee cunug labaad dhasho mar uu saxaafada la hadlaayey uurka Kareena na wax laga weeydiiyay waxuu yiri,”waan ku faraxsanahay warka kasoo baxay uurka Kareena.”

“Kareena waligeed ayee rabtay inee hooyo noqoto mar labaad (Taimur kadib) midaasna hader wey u suurto geli rabtaa balse markale shaqadeeda ayaa hakad ku imaan doonto maadama arimaha uurka iyo dhalmada mashquulinayaan saas eetahay September iyo October waxaan fileynaa inee dhameestiri doonto muuqaaladeeda Laal Singh Chaddha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here