Bollywood Queen Bebo ayaa sawiro laga soo qabta markale iyadoo aqalka Aamir Khan sii galeysa ileen maalmahan wey ku noq noqotaa gurigiisa maadama wada shaqeyn dhexmareyso markale shaashadana kasoo wada muuqan doonaan.

Aamir iyo Kareena 2009 ayaa isugi dambeysay inee filim wada sameyaan markaaso ay la yimaadeen filimkii 3 Idiots oo All Time Blockbuster noqday wararla waxay sheegayaan in Bebo atiriisho kowaad ka noqon doonto Aamir filimkiisa iga ee Lal Singh Chaddha.

Hadaba sawiro soo jiidasho leh ayaa laga soo qabtay xidigtaan iyadoo aqalka Aamir kusii socotoa inaba caadi ma ahan run ahaantii looma maleyo Kareena inee 39 jir tahay marka aad daawato sawiradan.

Sidee jimicsi u waday quruxdeedana kaga shaqeyneysay 20 jir ayaa la mooda gabadha ugu kartida badan qoyska reer Kapoor waliba markaan shaqo ayee diyaar u tahay iyo inee awoodeeda Bollywoodka soo ceshato.

Aflaamta ay saxiixatay misane howshooda ay wado waxaa kamid ah Good News, Angrezi Medium, Takht iyo Lal Singj Chaddha nasiib wacan Bebo mashaariic waaweyn ayaad la timid markaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here