Atirishada Superstar-ka ah Kareena Kapoor Khan fanka Hindiya 20-sano ayay ka tirsan tahay waxaana u suura gashay mudadaas marnaba magaceeda inuusan hoos u dhicin sidoo kalena si joogto ah aflaanta door hogaamin ah kaga qaadato waana arin naadir ah in atirisho mudadaas dheer fanka Hindiya ku waarto ayadoo awood leh.

Haddaba shabakada BOI sanadkii hore waxay sheegtay in Kareena ka mid noqotay atirishooyinka Bollywood-ka mudada dheer awood balaaran ku lahaayeen ee darajada Superstar gaareen kuwaas oo kala ah Mumtaz, Hema Malini, Sridevi, Madhuri Dixit iyo Kareena Kapoor Khan waxayna Bebo maqaamkan ku gaartay awoodeeda waartay.

Kareena Kapoor Khan waxay banaanka soo dhigtay haatan labo sir oo ka dambeyso inay Bollywood-ka ku waarto waxayna marka kowaad u nisbeesay arinkan inay noqotay qof la qabsi badan oo hadba isbadalka ka dhaco Bollywood-ka aqbasho lana jaan qaadi karto xili walbo aflaanta la sameeyo sidoo kalena fahmi karto dhanka dabeysha u socoto.

Kareena waxay tiri “20-ka sano ugu dambeesay waxaan xamilay cadaadis walbo oo dhanka fanka iiga imaanayay waxaan diirada saaray isbadal walbo inaan la jaan qaado oo aan noqdo qof fahmi karo waxa markaas daawadayaasha ka gadmi karo kaani caawin karo inaad fanka baaqi kusii ahaatid, sidoo kalena saaxiibo badan ayaan fanka ku yeeshay mudadaas oo iyadana iga caawisay inaan shaqadeyda joogto u guto anigoo la iigu xushmeenayo dadaalkeyga wacan iyo la jaan qaadista wixii markaas cusub.”

Kareena Kapoor Khan waxay sheegtay in sirta labaad tahay sida seygeeda Saif Ali Khan garab u siiyay in awoodeeda fanka lumin waxayna tiri “Atirisho walbo marka ay guursato ama nolol sameesato wey ku adkaataa shaqadii lagu yaqiinay iyo waajibka cusub inay isku dheeli tirto, laakiin aniga nasiib wanaag waxaan helay ninka ugu wanaagsan dunida oo si adag garab iigu siiyay shaqadeyda inaan marnaba ka harin maantana isaga ayaa ku mahadsan inaan fanka ku waaro waayo Saif la’aantiisa waxba iima qabsoomi laheyn xitaa waayihiisa fanka aniga ayuu ii huray madaama aflaan badan oo iska diiday sameyntooda si uu aniga garab ii siiyo waqtigii aan uurka lahaa iyo markii hooyonimada igu cusbeed.”

Kareena Kapoor Khan dhanka shaqada dhawaan waxaa usoo baxay filimka Angrezi Medium oo ay la sameesay Irrfan Khan sidoo kalena dabyaaqada sanadkan waxaa usoo bixi doono filimka weyn Laal Singh Chaddha oo ay shaashada kala soo muuqan doono Aamir Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here