Bollywood Bebo Aka Kareena Kapoor Khan ayaa ka dhawaajisay in Bollywoodka aan laga heleynin atoore Saif Ali Khan ookale ah waxayna arinkaan kusheegtay wareysi dhowaan laga qaaday ama uurkeeda markuu soo baxay kadib dad badan oo iyada ku fikir ahna wey qaateen fikirkeeda waliba suaal la’aan.

Kareena oo ka hadleyso Saif waxay tiri,”Saifu oo kale Bollywood kuma jiro xili horaan ka baaray waxuu fanka kujiraa in kabadan 25-sano hadana saas eetahay calankiisana ma dhicin heerka Khans-ka kalena ma uusan gaarin tani waxay cadeyneysaa in meesha uu kartidiisa ku joogo waayo atoore 25-sano joogto ushaqeynaayo waa mid dadaalkiisa dheef leeyahay daawadayaashana jecel yihiin hadii kale marhore ayuu shaqo la’aan noqon lahaa.”

“Saifu dadka kale waa ka go’aan duwan yahay waxaad moodaa marke dadka fikirka dhameestaan inuu isaga fikir bilaawo waana qof dulqaad badan wax badana aan ka bartay mudadii aan la noolaa”Kareena iyo Saif bishii hore 16-keeda ayee udabaal dagayeen sanad guurada arooskooda maadama arooskooda dhacay 16-Oct 2012.

Sido kale 2016 waxaa udhashtay wiilka lagu magacaabo Taimur Ali Khan dhowaana waxay shaaciyeen inee cunug labaad sugayaan arinka Saif waa sida ay Bebo sheegtay 25 sano marna hoos ayuu udhacaayey marna kor ayuu usoo kacaayey dhanka guulaha waxuuna meesha ku joogaa qaab-jiliinkiisa oo heer sare ah agaasimayaashana jecel yihiin maadama door walba uu shaashada kaga dhabeen karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here