Karan Johar waa shaqsiga lagu inuu markasta abuuro hadal-hayn iyo dhacdooyin xiiso badan kaaso hore dadka si weyn ugu bartayn barnaamijkiisa Koffe With Karan waxaana show-gaas shaaca looga qaada arrimo badan kuwaaso u gaar ah jilaayaasha Bollwyoodka

filim sameeyahan caanka ah ayaa Todobaadkan waxa uu aqbalay casuumaad uu ka helay shactiroolaha Kapil Sharma taaso ah  inuu kasoo qayb-galo show-giisa Kapil Sharma Show isaga iyo Atariishada Kajol

inta lagu guda jiray showga ayaa Kapil Sharma waxa uu Karan Johar usoo bandhigay xilalka dhawr wasiir iyo aktarada Bollywoodka Kuwaaso mudan inay xilalkaas qabtaan

haddaba Karan Johar ayaa arrintaas si fudud ah ugu Jawaabay isagoo doortay liiska aktaradan iyo xilalka ay mudan yihiin

Wasiirka Caafimaadka

Karan Johar waxa uu si dhaqsi leh xilka ku doortay aktarka Akshay Kumar isagoo yiri Akshay Kumar waa Shaqsiga ugu dadaalka iyo tamarta badan isagoo mar walba sameeya jimicsiga fara badan

Wasiirka Baraha Bulshada

inkastoo Kajol ay xilkan u dooratay Karan laakiin Karan Johar ayaa xilkan u doortay aktarka Varun Dhawan kaaso uu ku sheegay inuu yahay shaqsi jecel inuusan hal daqiiqo ka maqnaanin baraha bulshada sidoo Karan Johar waxa uu shaaca ka qaaday in Varun Dhawan uu baraha bulshada kusoo daray shaqsiyaad fara badan oo ay ka mid yihiin Katrina Kaif iyo Aditya Roy Kapur

Wasiirka Arrimaha Xanta

kani waa mid aan lagu tartami karin  atariishada Kareena Kapoor sida uu shaaca kaga qaaday Karan Johar iyada waxa ay xilli walba marka ay hurdada kasoo kacdo waxa ay kooxdayda iyadoo weydiisa wararka xanta ah ka dib aniga ayay isoo wacdaa si ay arimahas ay u xaqiijiso sidoo kale Kareena waaana shaqsi jecel inay waqtigeeda inta badan ku lumiso raadinta wararka xanta ah

Wasiirka Fashion

Karan Johar kani cid kale uma uusan siin lahayn maadama ay atariishada Sonam kapoor ay ka mid tahay fanka bollywoodka isagoo xilka si toos ah ugu magacaabay atariishada Sonam kapoor taaso uu ku sheegay inay xilli walba dadka kaga yaabsato labis qurux badan

Wasiirka Xafladaha Guryaha

Karan Johar ayaa xilkan isaga isku magcaabaay maadaama uusan ka maqnaanin xaflad walba oo ay dhigtaan jilaayaasha bollywood Isagoo xitaa mararka qaar xafladahaas ka noqda marti-geliye

Wasiirka Xarakada

inta lagu guda jiray kaftankan Kajol ayaa xilkan u dooratay Karan Johar laakiin Karan ayaa durba xilkan dib ugu soo celiyay Kajol isagoo sheegay inaysan jirin atariisho si weyn jecel Xarakada markii lasoo hadal qaado atariishada Kajol taaso jecel inay xilli walba soo qaadato dhar qaali ah iyo Saari qurux badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here