Kareena ayaa la weydiiyay suaal xasaasi ah ileen saxaafada goobta wey joogtay waxayna ahed suaasha sida tan,”isku mushaar miyaad ku qaadaneysan adiga iyo Akshay Kumar sameeynta Filimka Good News.”

Bebo waxay suaashi u leexisay dhankaa iyo Karan Johar waxayna tiri isaga ayaa filimka leh oo qarash gareynaayo isaga lee haka jawaabo balse Karan wuu naxay markii Suaasha isaga lagu soo leexiyay waxuuna saxaafada ku yiri,”suaasha aniga la ima weydiinin Kareena ayaa la weydiiyay aniga kuma jiro baxarkaas.”

Halmar ayaa lawada qoslay Filimsameyahan xalay goobta wuu ka shactireeyay saxaafada oo jawaab doon ah ayaa markale Karan udhexgalisay isla suaashi xili suaalo kusaabsan Takht la weydiinaayey markaana si toos ah ayuu kaga jawaabay.

Waxuu yiri,”dad yar ayaa fahmi karaan farqiga udhaxeya qarash gareen filim iyo mushaarka jilaaga in badan dhaqaalo badan ayaa kubaxo filimka anaga ayaa og miisaaniyada aan galeyno baxarkeeda idinka waxba kama ogidiin.”

“Aniga ahaan waxaan jeclahay marwalba inaan iska ilaaliyo xaqa jilaa igu leeyahay ugu dambeyna Akshay iyo Kareena mushaarka ay u qalmaan ayuu mid walba iga heli doonaa”

Markuu hadalkiisa dhameestay Kareena oo dhankiisa fadhiday ayaa tiri iyadoo la kaftameysa,” aniga waxaan kaa rabaa mushaarka Akshay Kumar aad siin doonto mid lamid ah.”

Kaftanle miyee ku ekaan doontaa mise Bebo wey kaga dhabeyn doontaa hadhow dambena Karan inuu awoodi waayo ayaa macquul ah kadibna Kareena isaga baxdo mashruuca sidii Kal Ho Na Ho oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here