Atiriishada caanka ah Kareena Kapoor Khan ayaa la weydiiyay suaalo kaftan ah intii ay kusugneed dhowaan goob xaflad ah waliba waa suaalo u muuqdeen kuwa dadban balse Bebo si caqliyesan ayee kaga baxsatay suaalahas.

Mid kamid ah suaalaha waxay ahed sida tan,”maxaad sameeyn laheed hadii adiga Kareena ah, Alia Bhatt, Deepika Padukone iyo Katrina Kaif hal wiish idinku wada xirmo hal meelna kuwada jirtaan mudo saacad kudhowaad ah.”

Sidaan wada ognahay Ranbir Kapoor wuxuu xiriir lasoo sameeyay Deepika iyo Katrina halka Alia uu hader xiriir la leeyahay waxaan kaloo ognahay in isaga iyo Kareena ilmo adeer yihiin hadaba suaashan waxay udhaceysa maadama Ranbir walaalka yahay seddexda gabdhood uu xiriirka lasoo sameeyay ee uurka iska neceb hadii hal wiish kuwada kulmaan adina la joogtid iyagana inee is dagaalaan kudhow yihiin adiga dumaashi ayaa tahaye maxaa sameeyn laheed waaye suaasha.

Kareena Kapoor Will Do This If She Is Stuck With Ranbir's Ex-GF's, Deepika, Katrina And Alia In Lift

Waxay ku jawaabtay Kareena sida tan,” waxaan isku dayi lahaa inaan Ranbir meesha laga tabin (booskii Ranbir inaan galo oo Ranbir-ba aan noqdo sidaasna ku kala dhex dhexaadiyo hablaha) ama in Ranbir meesha laga waayo oo Kareena laga helo (booskeyga dumaashinimo inaan kasoo baxo oo sifiican u kala dhexgalo hablaha hadee is dagaalaan).”

Bebo si dadban suaashii loo weydiiyay iyadana si dad ban ayee kaga jawaabtay oo ah mar unee Ranbir iska dhigto ama dumaashi iska dhigto sifiican ukala celiso seddexdooda dhanka kale waxaa la weydiiyay inee kala doorato magacyada kala ah Kapoor iyo Khan.

Suaashan markale si caqliyesan ayee kaga baxsatay waxay tiri,” magaceyga waa Kareena Kapoor Khan marka sideen ukala doorta labadii magacba waan wataa oo micnaheeda ay tahay inaan labadaba ahay (Khan iyo Kapoor) nasiib ayaana ku leeyahay inaan labadaas magacba isla helay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here