Kareena Kapoor Khan waa mid kamid ah jilayaasha dunida tusaalaha loo soo qaato marka nolosha go’aan adeega laga hadlo ama dhiiro galin ayaa laga dhigtaa xidigtaan sababto ah waa qof aad iyo aad karti uleh marka runta laga hadlo.

Waa dhif iyo naado in la helo atiriisho shaqadeeda atiriishinimo wadato hadana hooyo ah hadana xaas ah oo reerkeedana dhaqaneysa dad badan ayaana suaal ka keenen midaas isna weydiyeen sidee Bebo howlahaas ku awoodi kartaa inee isku dul wado.?

Jawaabta waa inee tahay gabar karti leh waana sababta ay u necebtahau aaldaha baraha bulshada lagu isticmaalo ku mashquulkooda waxay tiri iyadoo ka hadleysa mid kamid ah waxyaabaha qofka caajis galin kara.

“Jimicsi aan joogto aheyn iyo kudhafrida aaladaaha baraha bulshada waa mid kamid ah qofka bini’aadanka ah waxyaabaha caajis galin karaan noloshiisa waxna ma qabsan karo heer qofka is naco howl walbaana ku adkaato.”

“Marka qofka haduusan naftiisa jecleen waa dhibaato aniga labo sheey waan iska ilaaliyaa in 24 saac dhameestiran GYM isticmaali waayo iyo inaan baraha bulshada isticmaalo ma waxaan waayey buug aan akhristo markaan FB, Twitter, Instagram iyo wax lamid ah aan kasoo hadlaayo kuna mashquulaayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here