Home » Nolosha Jilaayaasha » Karisma Kapoor Oo Ilmada Ka Qubaneysa Ayaa Sawir Xasuus Ah Nala Wadaagtay Kaaso Ah Awoowged Shashi Kapoor!!

Karisma Kapoor Oo Ilmada Ka Qubaneysa Ayaa Sawir Xasuus Ah Nala Wadaagtay Kaaso Ah Awoowged Shashi Kapoor!!

atiriishada Karisma Kapoor awoowged Shashi Kapoor ayaa isniinti geeriyooday asigoo 79 sano jiro kadib markii mudo uu xanuunsanaa.

Hadaba Bollywoodka ayaa kuguda jiraan isbuuc tacsi ah sababto ah Shashi Kapoor waa nin magac iyo maqaamka kuleh dalka India iyo daafaha caalamkaba.

Sidaa awged reer Kapoor waxay bartanka kaga jiraan murugo Shashi wuxuu Karisma u ahaa awoowe maadama uu aabahed Randhir Kapor adeer laxmi ah u ahaa.

Sidaa awged Karisma oo qiireysan ayaa baraha bulshada soo dhigtay sawirkaan kor idiin kaga muuqdo kaaso ah sawir xasuus ah o ay la gashay awoowged Shashi Kapoor.

Waxayna soo raacisay sawirka qoraalkaa,”Awoowgey Shashi aadbaan kuujeclahay tanina (Sawirkaana) wuxuu iinoqon doona xasuusta iigu qaalisan abid mana ilaawi doono kamana bixi doontid qalbiyadena xitaa hadaa dunida ka tagtay.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *