Xidigtii laga dambeyn jiray 90-maadkii laguna tilmaamo atirishada ugu guulaha badan 25-sano fanka Hindiya ugu dambeeyay waa Karisma Kapoor ayaa kusoo laabatay shaqada filim jilista balse markaan dhankaas iyo Digital World ayay kasoo muuqan doontaa madaama dhawaan si Online ah ama Internet-ka laga daawan doono filim ay hogaamiye ka tahay oo lagu magacaabo Mentalhood.

Karisma Kapoor filimkan Online-ka loo daawanayo waxaa ku wehliyo atooraha caanka ah Dino Morea oo ay sanadii 2003 isla sameeyeen filimkii Baaz – A Bird In Danger waxaana labadan isku keentay gabadha aflaanta maal galiso Ekta Kapoor oo sidoo kale dooneyso inay Karisma Bollywood-ka kusoo celiso kana soo muuqato filim tiyaatarka laga daawanayo waxaana u socdo wada hadal labada dhinac.

Karisma Kapoor filimkii ugu dambeeyay ee tiyaatarka loo saaro wuxuu ahaa Dangerous Ishhq oo 7-sano ka hor la daawaday waxayna xiiso u qabtaa markaan inay Bollywood-ka kusoo laabato oo ay la shaqeyso qaar ka mid ah filim sameeyayaasha ugu caansan sida shabakadaha kala duwan ay qorayaan.

Warar dheeraad ah waxay sheegayaan in Karan Johar filim sameeyahan caanka ah uu isagana Karisma u bandhigay filim ay kusoo laabaneyso waxaana loo badinaa dhawaan inay xidigtan shaaca ka qaadi doonto mashaariicda ay kusoo laaban doonto madaama taageerayaasheeda siweyn ugu xiiseen inay shaashada ku daawadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here