Ishq Waa Filim jaceyl iyo shactiro isku dhexjiro ah waxaana wada hogaamiyeen Aamir Khan, Ajay Devgn, Kajol iyo Juhi Chawla sido kale jilayaal kale ayaa kasoo muuqdeen mashruucan sida Johhny Lever (Amadi), Sadachiv Amrapurker (Leeb) iyo kuwa kale oo badan.

Maanta oo kale 28 November 1997 ayaa tiyaatarada la saaray waxuu noqday Super Hit weyn mana jiro Filim darajada Super Hit gaaray oo ka weyn Ishq 22-kii sano u dambeysay.

Maadama xiliga la daawaday 22 sano kasoo wareegatay waxaan kasoo diyaarinay Filimkaan xiisaha leh xaqiiqooyin ugaar ah hoos kaga bogo adigaa ka heli doono kadibna nala wadaag xaqiiqada sida gaarka ah kuu xiiso galisay:

Xaqiiqada 1-aad: Ajay Filimkaan dhexdiisa ayuu faraanti ugu galiyay Kajol maadama si dhab ah ay isku jeclaayeen shaashada jaceylka aad ku aragtay ee jiliinka ah waxaa ku hoos duugan dareen dhab ah iyagana qirteen waana lala yaabay indhahooda kaliya ayaa laga dareemay jaceylka lamaanahan 2 sano kadib markii Ishq la daawaday ama 1999 si rasmi ayeeba u aqal galeen.

Xaqiiqada 2-aad: Atiriishada Karisma Kapoor ayaa markij hore loo bandhigay doorka Kajol ine sameyso laakiin weydiiday naceyb ay u qabtay Ajay aawgiis oo waxay diidaned ine Ajay la shaqeyso maadama horey xiriir oga dhaxeyay balse si foolxun iyo bur bur kusoo dhamaaday booskeeda Kajol ayaa lagu bedelay.

Xaqiiqada 3-aad: Aamir Khan iyo Juhi Chawla dagaal ayaa dhexmaray intii la duubaayey Filimka waxuuna ka bilawday faraka cayaarkooda oo xad dhaaf ahaa mudo sanado badan islama aysan hadlin xidigahan khilaafkooda Ishq kadib balse markii dambe wey heshiyeen.

Xaqiiqada 4-aad: Madhuri Dixit ayaa loo bandhigay doorka Juhi Chawla markii hore balse Madhuri waxay ahed qof aan laga hoos bixin karin door yar oo waxay ogaatay in doorka Kajol weyn yahay sidaa aawged wey iska diiday doorka Juhi gabi ahaanba iyadoo kahor tageysay in Kajol shaashada kaga saameyn badnaato.

Xaqiiqada 5-aad: Waa halka Filim abid ay isla sameyeen Aamir Khan iyo Ajay Devgn sido kale waa halka Filim abid ay kasoo wada muuqdeen Kajol iyo Juhi.

Xaqiiqada 6-aad: Ishq waxaa sido kale la saaray tiyaatarada Canada markii hindiya laga daawanaayey maadama hndida xaga daganed si weyn usoo dalbadeen mashruucan.

Xaqiiqada 7-aad: Aamir Khan doorkiisa ayaa Filimka ugu weyn uguna saameyn badan waxaana kusoo xigto Kajol iyo doorkeeda cajiibka ah waana sababta loo dhaho faqiiriintii Aamir iyo Kajol ayaa ugu saameyn badan Filimka Ishq halka taajiriinta Ajay iyo Juhi door ahaan iyo bandhig ahaanba laga watay.

Xaqiiqada 8-aad: Heesaha Filimkaan si weyn ayee u hirgaleen Music-dana lasocoto waana mid kamid ah Album-yada ugu caansan Bollywoodka sameyeen ilaa maantadan.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here