Atirishada door kasto sameyn karto Sonam Kapoor waa xidig shaqo oo ku caan baxday aflaanta waqtiga loo baahan yahay inay ku sameyso balse todobaadkan ciwaano kale oo cajiib badan ayay sameesay madaama dadaalkeeda ay sii laba laabtay waxaana u suura gashay filimkeeda xiga Blind inay kusoo gaba gabeyso jadwal 39-maalmood ah!

Filimka Blind waxaa Director ka ah Shome Makhija isagana dhan hal jadwal ayaa lagu duubay oo ka bilaawday magaalada Glasgow ee dhankaas Scotland mana loo kala kicin madaama Sonam Kapoor ujeedkeeda ahaa mashruucan halmar inay ka baxdo weyna u suura gashay waxaana dadaalkeeda kaga mahad celiyeen kooxda filimkan oo haatan qorsheenayaan mashruucan in la daawado lixda bilood dambe ee sanadkan.

Blind waa filim ka hadlaayo sheekada gabbar boolis ah oo indhoole ah iyo kiis xasaasi ah oo ay baareyso waxaana doorkan dhibka badan jileyso Sonam Kapoor sidoo kalena waxaa kala soo muuqan doonaan oo doorar muhiim ah ku leh Vinay Pathak, Purab Kohli iyo Lilette Dubey. Waxaana mashruucan soo saare ka ah oo ku caan baxay sameynta filimada qayaanada fariin ahaan u badan asigoo horey u agaasimay mashaariicda ay ka mid yihiin Kahaani, Badla iyo kuwo kale.

Sonam Kapoor Ahuja waxay u dhaxdaa ganacsade Anand Ahuja oo ay is guursadeen sanadii 2018 sidoo kalena xidigtan filimkeedii ugu dambeeyay oo ay door dhameestiran ku laheyd wuxuu ahaa The Zoya Factor oo la daawaday September 2019 waxaana la jilay atooraha reer Malayalam ee la wada jecel yahay Dulquer Salman balse nasiib daro mashruucan ganacsi ahaan wuu guul dareestay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here