Xidiga dhalinta yar ee laga daba dhacay Kartik Aaryan sanadkii hore 2019 wuxuu u ahaa sanad u barwaaqo ah madaama labadiisii filim Luka Chuppi iyo Pati Patni Aur Woh HIT dhameestiran noqdeen balse sanadkan 2020 ayaa ka daran wuxuu lasoo shir tagi doonaa sedex filim oo ah aflaan caan ah qaybahooda labaad.

Kartik Aaryan filimkiisa kowaad Aaj Kal waxaa la daawan doonaa 14 Feb 2020 waxaana la jileyso Sara Ali Khan waana qaybtii labaad filimkii Love Aaj Kal oo ay Saif Ali Khan iyo Deepika Padukone wada sameeyeen sanadii 2009 sidoo kalena HIT weyn noqday.

Kartik filimkiisa labaad waa Bhool Bhulaiyaa 2 oo la daawan doono 30 July 2020 waxaana la jileyso Kiara Advani ayadoo filimkan uu yahay qaybtii labaad mashruucii Bhool Bhualaiyaa ee Akshay Kumar iyo Vidya Balan wada sameeyeen sanadii 2007 kaasi oo isagana HIT weyn noqday.

Kartik Aaryan filimkiisa sedexaad waa Dostana 2 oo aan weli shaaca laga qaadin xiliga la daawan doono waxaana la jileyso Jhanvi Kapoor waana qaybta labaad ee mashruucii caanka ahaa Dostana oo ay Abhishek Bachchan, John Abraham iyo Priyanka Chopra wada jileen sanadii 2008 kaasi oo ahaa filim guuleestay.

Sidaa darteed sanadkan 2020 Kartik Aaryan waa sanad u qaas ah madaama sedex filim uu soo wado yihiin aflaan caan ah qeybahooda labaad waxaana la daawan doonaa 6-bilood ilaa 8-bilood gudaheeda waqti ahaan taasi oo ka dhigan cel celis ahaan labo bil iyo bar walbo in filim atoorahan soo caan baxay masraxa loo saari doono sanadkan gudihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here