Waxaan horey idin kula wadaagnay xidiga la wada jecel yahay Kartik Aaryan inuu sameenayo filimka lagu magacaabo Dhamaka ee uu Director ka yahay Ram Madhvani waana filim cabsi iyo qayaano isku jirto sidoo kalena Kartik ku jilaayo joornaaliste dambi baari ah sheekadiisana heer sare tahay waxaana laga soo min guuriyay filimka Koonfur Korea sameesay ee lagu magacaabo Korean Live.

Haatan shabakada Bollywood-ka Hungama waxay ogaatay in duubista filimka Dhamaka bilaabatay waxayna kasoo xigteen Director Ram Madhvani in mashruucan mudo 20-maalmood ah duubistiisa lagu soo idleyn doono sida la qorsheenayo haddii sidaas ay suura gasho wuxuu noqon doonaa filimka ugu dhaqsiyaha badan dhanka duubista ee Bollywood-ka dhawaanahan sameeyaan!

Filimka Dhamaka gabi ahaantiisa waxaa lagu duubayaa Hotel ku yaalo magaalada Mumbai mudo 20-maalmood xariir ah sidoo kalena soo saaraha mashruucan Ronnie Screwvala wuxuu sameeyay in Hotel-ka oo idil wada kireestay xitaa shaqaalaha filimka Hotel-ka ayaa la dajiyay si aysan banaanka u aadin sidoo kalena waxaa Hotel-ka laga sameeyay istuudiyo war baahin iyo war qabad oo TV leh madaama Kartik filimkan joornaaliste dambi baare ah ku matalaayo marka guud ahaan duubista flimkan hal Hotel ayaa lagu soo idleenaa ayadoo Hotel-ka qolalkiisa iyo qaybaha kala duwan ee uu leeyahay la adeegsanayo.

Filimka Dhamaka qorshaha wuxuu yahay in duubis ahaan lasoo gaba gabeeyo todobaadka ugu horeyso bisha Janaayo ee sanadka cusub sidoo kalena soo saare Ronnie Screwvala wuxuu sheegay in qorshaha uu duubista filimkan mudo 16-maalmood lagu soo gaba gabeeyay balse 4-maalmood dheeraadka ah looga faa’iideesan doono haddii gaabis dabiici ah imaado dhanka shaqada filimkan la xariirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here