Labada jilaa ee ka mid ah dhalinta Hindiya ugu saameynta badan Kartik Aaryan iyo Kiara Advani ayaa la ogaaday in filimkooda xiga Bhool Bhulaiyaa 2 jadwaladiisa duubista mid ka mid ah magaalada London ku duubi doonaan mashruucan shactirada iyo cabsida isku jiro ah waxaana Director ka ah Anees Bazmee.

Kartik Aaryan iyo Kiara Advani bishan October bilawgeedii ayay duubis ku bilaabeen filimka Bhool Bhulaiyaa 2 waxayna ku duubayaan gobolka Rajasthan ee saxaraha ah kadibna horaanta sanadka cusub gaar ahaan Janaayo 2020 magaalada London ayay ka bilaabi doonaan duubis sedex bilood ah, sidoo kalena qaybaha ugu dambeeyo filimkan Mumbai ayaa lagu duubi doonaa.

Mashruucan qaybtiisii kowaad Bhool Bhulaiyaa sanadii 2007 waxaa wada sameeyeen Akshay Kumar, Vidya Balan, Ameesha Patel iyo Shiney Ahuja balse haatan booskii hogaaminta Kumar waxaa la wareegay Kartik Aaryan oo dhawaanahan aflaan xiiso badan gacanta ku dhigaayo kuna socdo dar dar aan caai ahayn.

Filimka Bhool Bhulaiyaa 2 waxaa soo saarayaal ka ah shirkadaha T-Series and Cine1 Studios waxaana la daawan doonaa 31 July 2020 wuxuuna ka mid yahay aflaanta sida weyn loo sugaayo sanadka dambe.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here